Dagaallo Iyo Duqeymo Culus Oo Ka Dhacay Sudan

Monday September 11, 2023 - 07:01:57
Hadhwanaag
"Milateriga ayaa beeniyay inay beegsadeen dadka rayidka ah"



Rabshadihii ugu xumaa ee hal mar ah tan iyo markii uu dagaalku ka bilowday Sudan shan bilood ka hor, ugu yaraan afartan qof ayaa lagu dilay duqaymo xagga cirka ah oo lagu garaacay suuq ku yaalla koonfurta Khartoum.

 

Hay'adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay isku dayeen in ay badbaadiyaan nolosha dadka ay soo gaareen dhaawacyo aad u daran.

 

Dadka deegaanka ayaa ciidanka ku eedeeyay in ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka si ay u beegsadaan suuqa.

 

Waxa uu ku yaallaa meel dadku ku badan yihiin oo magaalada ah halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan ciidamada gurmadka degdegga ah.

 

Milateriga ayaa beeniyay inay beegsadeen dadka rayidka ah.

 

Sidoo kale dagaallo culus ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Fasher ee gobolka Daafuur, waxaana ka dhashay qasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah Sabtidii.

 

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhawaad ​​shan milyan oo qof ay ku barakaceen Suudaan tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Abriil.

     
Loading...