Si Kastoo Aad Garab U Weydid Rabbi Ayaadan Marna Garab Ka Wayneyn.

Monday August 14, 2023 - 12:00:59
Hadhwanaagtv
Qiso Cajiib Ah Oo Dhex Martay Shan Gabdhoodo Walaalo Ah.



Nin Ayaa Waxa Ka Geeriyotey Xaaskiisi Wuxaana U Joogtay Shan Gabdhood.


Afar Nin Ayaa Gurigi Imaadeen Oo Gabadhaha Soo Doonteen Aabbuhu Qorshihiisu Wuxuu Ahaa Inuu U Kala Siiyo Sida Ay Isagu Xigaan Oo Midda Curadda Ah Ka Bilaabi Oo Mida Ugu Yarna U Joogto .


Balse Gabadhii Curadda Ahayd Way Diidey Inay Guursato Oo Waxay Ka Doorbidey Maadama Aabahed La Joogin Hooyaded Oo Ay Dhimatay Inay Aabaheed Daryeesho. Aabbahedna Wuu Ka Yeelay Arinkaas Oo Afarta Gabdhood Ee Ayada Ka Yaraayeen Baa Loo Guuriyey Oo Gabadhii Weyneydna Ilaa Uu Aabahed Ka Geeriyooda Ma Aysan Guursan.


Geerida Aabahod Kadib Gabadhihi Kale Waxaa La Tusey Warqad Uu Aabahodu Qorey Oo Uu U Reebay Sidan Ayayna U Qorneyd" Guriga Aan Ka Dhintey Ha Iibinina Ilaa Walaashin Idinka Weyn Ay Ka Guursato Waayo Farxadiina Bay Farxadeeda Ka Hor Marisay".


Laakinse Gabdhihi Warkii Aabbahod Macno Uma Aysan Yeelin Oo Way Iska Indha Tireen Gurigana Inay Iibsadan Bay Ku Heshiiyeen Si Midwaliba Dhaxalka Qeybteeda Uga Qaadato Ayagoo U Aabba Yeelin Walaashooda Ka Weyn Oon Heysan Garab Kale Iyo Guri Kale Oy U Hoyataba.


Gabdhii Weyneyd Markay Yaqiinsatay In Gabdhahan Walalaheda Ah Ka Go'antahy In La Iibiyo Guriga Ayay Go,Aansatay Inay Tooda Ku Raacdo Gurigi Waa La Beeciyey Nin Ganacsade Weyn Ah Oo Hanti Fara Badan Heysta Ayana Gurigi Iibsaday ,Markii Laga Iibiyey Bay Gabadhii Weyneyd Ninki Ganacsadaha Ahaa Uga Sheekeysay Wixi Jirey O Dhan Waxayna Weydiisatay Inuu U Saamaxo Inay Muddo Bilooyin Ah Si Degenaato Bal Ila Ay Ka Heleyso Guri Kale Iyo Garab Kale Intaba.


Gabdhihi Kale Mid Waliba Ninkeeda Iyo Caruurtedi Bay Lacagta U Geysay .

Si Waliba Oy Basharka Ku Dayacan Rabbi Aya Marna Garab Laga Weynayn .


Markay Bilooyinki Ay Ku Balamen Ayada Iyo Ninki Dhamaaden Ayuu So Wacay Ninki Taajirka Ahaa Gabadhii Waxay Moodey Inu Dhihi Rabo Guriga Iga Guur Waxay Kala Hordhacdey Walal Wali Guri Ayanan Helin Ee Waqti Ma Igu Dari Kartaa.?


Wuxuu Ku Yiri Walal Arintas Mid Ka Duwan Ayan Kuso Wacay ,Waxan Rabay Inan Kugu Wareejiyo Sabarloogada Guriga Adiga Ayana Ku Hibeeyey Meher Ayana Ka Dhigey Hadad Iga Ogalaatid Ninkaaga Ayan Noqon Hadadan Raali Ku Aheyna Gurigas Wa Sidan Kugu Hibeeyey Un!!!.


Way Ilmeysay Rabbi Ayayna Salaatu Shukri U Tukatay ,Waxayna Yaqiinstat Rabbi Inusan Dayaceyn Dadka Wanaagsan Wanaagooda.


Ninkiina Way Ogolaatay Aroos Weyn Buna U Dhigey Nin Wanaagsan Iyo Gurigi Aabahedba Way Isku Heshay.

Dulucda Sheekadan:


Samo Waliba Ood Sameysid Rabbi Wuu Kaa Abaal Marin

Kawaran Adigan Akhriyey Qisadan Akhriskeda Muxuu Sameyn Kugu Yeeshay Wan Ka Cadur Daaran Qoraalka Dhererkiisa.

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...