Musuqmaasuqa iyo Maamul-wanaaga!...W/Q Axmed Bashir
Musuq-maasuqu waa wax damiirka nool, dadnimada, dastuurada aduunka iyo diimuhuba xaarantinimeeyeen.
Musuqmaasuqa waxa diida maanka fayow, maxkaxda caafimaadka qabta iyo muslinimada oo meel fog ka istaagtay.
Mansab siyaasadeed iyo masuuliyad marka qof loo dhiibayo waa in la baadho maalkiisa, meesha uu ka shaqayn jiray, iyo maamulkiisa loona qoro mushahar, kadib Marka qofka maamulka ka tago waa in la xisaabiyaa xoolihiisa inta uu xilka hayay waxa ku kordhay.
Ma jirto sharciyo lagula xisaabtamo kuwa musuqmaasuqa sameeya, mana jirto shaqsiyaad loo xidho xatooyo xoolo dadwayne oo xabsi iyo xasaanad ka qaadis lagu sameeyay.
Mansabyada waxa la isku siiyaa yaa wax cuni kara oo wax laga cuni karaa meesha uu maamulo, waxa la dhahaa meeshaas nin wax dhacsan kara oo anagana wax noo dhiibi kara haloo dhiibo.
Musuq-maasuqu maaha kaliya maal la xado ee wuu ka badanyahay oo ka balaadhanyahay oo noocyo badan ayuu leeyahay sida u xaglinta xigtada shaqada, cadaalada, waxbarashada, mashaariicda, mansabyada, maamulka iyo KLM.
Maanta masraxa siyaasada soomaalida iyo samafalka musuqii wuxuu noqday wax maal laga tacbado oo mansabna lagu helo la iskuna sii maamuuso halkii xisaab, xasaanad ka qaadis iyo xadhig lagu mudan lahaa.
Musuq-maasuqa magacyo ayaa loo bixiyay lagu qurxinayo oo lagu qarinayo sida shaafto,
Xaqul qalin, Xaqul shaah, hawl fududayn, fara dufanayn, baq-shiish, Af-garasho, iyo biyo cab.
Musuq-maasuqu waa cadaw iyo cudur ku dhaca dowladnimada oo la dagaalamaa horumarka iyo horusocodka dawladnimada, dimuqraadiyada iyo dawlad-wanaaga.
Musuqmaasuqa waxa laga dhaxlaa cadaab rabbi, cuduro, camal xumo, cidhib xumo iyo cidhiidhi aduunyo.
Xisaabi xil maleh hadaan la xumayn ee Xoolaha dadka iyo dalka hala iska xisaabiyo, hana la isku xisaabiyo.
"Inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli"
Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame( Hadraawi) (AUN)
"Musuq-maasuq waa Soomaali maheradeedii"
Sayid Mohamed Abdulle Hassan (AUN)
W/Q Ahmed Bashir
Address: Kampala, Uganda
Edu: BA in DS, MA in SW
Contact:ahmedbashiir66@gmail.
com
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!