Hargaysa (HWN) Wasiirkii
hore ee beeraha Axmed Muumin Seed oo saaka Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa
sheegay in beesha Gadabuursi ay uqalanto inay helaan xilalka beesha dhexe ay ka
hayso Somaliland.
Siyaasi Seed ayaa sidoo
kale ka dhawaajiyay inay shirar usocdaab beesha Gadabuursi, isagoo fariin umuuqata
hanjabaadna udiray siyaasiyiinta ka soo horjeeda inay samaroon hesho kursiga
gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.
"Awdal codka yaala waa
laba boqol oo kun berri ayaad iman doontaan idinkoo cod doonaya qolada
xukuumada iyo ururada ayaan sheegayaaye berri magaciinaanu sheegi doona ururada
diidan gudoomiye in golaha wakiilada ka noqdaan reer Awdal maanta waanu
maldahaynaaye”. Ayuu yidhi.
Seed oo hadalka siiwada
ayaa intaasi kudaray "Madaxweyne hadii aad Faratoon xil la doonayso qalinkaaga
Hayee wasiirka Maaliyada u magacaw ama arimaha dibada, wasaaradaha reer Awdal
loo tirinayo sida Maalgashiga agaasime waaxeed wasaaradaha beeraha ayay isku
dakhli iyo dhaqaale yihiin ".
Waxa reer Sool diideen
iyo waxa reer Awdal ka guuxayaanba waxay tahay in wixii lagu heshiiyay inay
meesha ka baxeen, Masiirka Cali Xaamud ku tartamay maaha mid Cali ka yimi uun
ee waa mid isha ku hayaan reer Awdal oo dhan oo ay ku rabaan inay shirgduunka
golaha wakilada ku qabtaan , distoor qorayaana majiro in madaxweyne ku xigeen
uun Reer Awdal qabtaan”
Seed oo ka hadlayay
qaabka dhaqaalaha ukala helaan beelaha Somaliland ayaa yidhi "Hadaan dhaqaalaha
dalka loo sinaan, wada socodkeena iyo wadajirkeena ayaa meesha ka baxaya , waxaana iman doonta maalin maalmaha ka mida
aniguna aan dareemo intaa xil ee aad leedihin inaan yeesho sidaan ku yeelan lahaana
falawgeed qabto , Cali Xaamud wuu noqonayaa Gudoomiye reer Awdalna waa taageeri
doonaan ". Ayuu Siyaasi Axmed Muumin Seed ku soo xidhay hadalkiisa.