SIDEE AYUU DALKA KU GAARI KARAA DOORASHO QOF IYO COD AH.

Sunday June 04, 2023 - 12:06:14
Hadhwanaag
si loo helo is-waafajin waa in guddiga Qaran



1. MIDNIMO IYO HESHIIS SIYAASADEED LOO DHANYAHAY: marka ugu horeyso darafyada siyaasadeed ee dalkakajira waa inuu jiraa jawi is fahan kudheehan taasoo isu soo dhaweynaysa aaraahda ashqaasta iyo deegaanada ay colaaduhu saameeyeen ee 33 sano jirsaday, iyadoo dhinacyada kala duwan ee bulshadu ay isu fidiyaan Cafis buuxa iyo uursami min Waqooyi ilaa Koonfur.


2. AMNIGA DALKA: Xoreynta Deegaanada iyo Bedqabka shacabka waa tiirka gundhigga u ah in dalka uu u xuubsiibto Doorasho 1Q1C, midaas oo katarjumeysa ama xaqiijinaysa siyaasadda amni ee suurtagelin karta in dalka uu gaaro nidaamka dimuqaadiyadeed, kaasoodoorasho xur iyo xalaal ah misne loo wada simanyahay uu gaaro Dalka. Kadhabeynta amniga dalka qaasatan xarumaha diiwaanka doorasho ama axsaab siyaasadeedka xarumo unoqonaya waa in loo yagleelaa jawi degan oo bilaa cabsi ah si ay bulshadu uga dareeraan amaba ay ugu qeybqaataan Doorasho kudhan ah(Wadar Codeyn).


3. DHISMAHA GUDDI DOORASHO QARAN: Ahdaafta guddigan ayaa ah in lahelo nidaamka geedi-u-socodka gaarsiinta bulshada sisteem; kaasoo qeexaya xaqna usiinaya Bulshada inay Codeeyaan loona Codeynkaro hadba ashqaasta loo garto hiigsiga kala doorashada ah; Haa midkan, Maya Midkaasi. Oo kadhigantahay nidaamka kala doorashada midka ay afkaar ahaan bulshada u aragto inuu miisaan ahaan ula muuqdo in bulshada uu wax kusoo kordhinkaro/wax kusoo kordhinkarto.


4. DASTUUR DHAMEYSTIRAN: kadhabeynta in ladhameystiro dastuur baraxtiran oo micno sida, si ay midaasi udhacdo wuxuu ubaahanyahay in laga qeybgaliyo dhammaan qeybaha bulsho ay ka koobanyihiin ee Dalka sida: 5-ta beel ee soomaaliyeed iyo 7-da maamul goboleed lagu gaaro afti dadweyne oo loo dhanyahay, leh tafaftirid ilaa xad, hiigsi go'aan siyaasadeed oo kudhan ah iyo faham bulsho. Kaasoo ugu dambeyntii lagu dabaqi-doonno in lagaarsiiyo ama loo akhriyo fahamna ay kahelaan bulshada min magaalo ilaa heer tuulo(Dastuur Bulsho ay leedahay).


5. TIRO KOOB DADWEYNE: si loo helo is-waafajin waa in guddiga Qaran oo isku dhaf ah loodhisaa oo ay ka qeybqaadanayaan Wasaaraddaha qaasatan;.Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda iyo W. Qorsheynta & Maalgashiga, W.Maaliyadda iwm. Iyagoo lakaashanaya dawladaha daneeya Soomaaliya dib usoo kabashadeeda ee gaarsiinta nidaamkan doorasho iyo deeqbixiyeyaasha calaamiga ah oo kab unoqonkara hannaanka geedi usocodka Dalka, Si loo tiro koobo Dadka (Population Sampling), sidoo kale lagu sameeyo dalka/dadkaba daraseyn sax ah, iyadoo kularan usameynta National ID~kaarka aqoosiga Qaran kaasoo ku asteysan axwaasha iyo aqoonsiga guud ee Shaqsiga muwaadhinka ah Codeeyaha ama loo codeeyaha intaba.


6. MAXKAMAD DASTUURI AH: Sida waafaqsan dastuurka qodobadiisa qeybo kamid ah, dalka waxaa go'aan kama dambeys ah oo natiijada khilaafyada kadhalankarta Doorashadu qeexaysaa, goorta lagaaro hal qof iyo hal cod in maxkamada sarre ee Dastuuriga ah ay go'aanka ugu dambeeyo natiijada doorashada ay ansax kadhigeyso, maxkamadaasi oo xaqiijinaysa darafyada tartamiyaasha axsaab siyaasadeedka dalka uu yeelandoonno haduu Eebe nagu simo.


☆ Waxaa Qorey/ Ibrahim Hassan Haji Xubin Guddiggii hore ee Doorashooyinka 2021 ilaa 2022

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...