Dhawr Waxyaabood Oo Laga Dhaxlo Akhriska

Wednesday May 24, 2023 - 11:52:09
Hadhwanaag
Dhaqangelinta wixii aad baratay



1) Cilmi waxtar leh

waxa ugu muhiimsan ee Akhriska laga helo waa aqoon dheeri ah.

2) Go'aan qaadasho


Aadanaha markasta wuxuu la kulmaa dhacdooyin badan qaarkood fursado ah qaarka kalena caqabado ah, haddaba qofka akhriya buugaagta marna kuma dagdago go'aan qaadashada, balse waxaa uu ku fekeraa go'aano badan, wuxuuna ka doortaa kan ugu macquulsan, waxaa uu kasii fekeraa waxa ka dhalan kara go'aanka.


3) Dhaqangelinta wixii aad baratay

Waxaa jira fikrado badan oo kugu soo dhaca, balse Dhaqangelinta fikradahaas way kugu adagtahay, buugaagtu waxay kaa saacidayaan inaad dhaqangeliso go'aanadii aad qaadatay.


4) Dabeecadda qofka ayaa wax badan iska badalaya

Inta badan dadka akhristayaasha ahi waa dad deggan dabeecad ahaan, la dhaqanka dadka kalena

way ku fiicanyihiin.


5) Wixii ay barteen waxay sii gaarsiiyaan dadka kale, haddii aad umadda wax ku dhaanto fadlan la wadaag oo ha la dhiman cilmiga iyo fikirka kugu jira laga yaabee in tarantaada dambe ay ka faa'idaan.


6) Akhristayaasha Wanaagsan waa hadal-yaqaano,, marka lagu casuumo xaflad ama goob kale inta badan waxay ku hadaan hadallo soo jiidasho leh oo asluubaysan.


7) Isdhuldhigid (Tawaaduc):


Markaad waxbadan barato kama dhigna inaad dadka kale ka Sarayso, waxaa laga yaabaa in dadka kale meelaha qaar ay kaaga fiicanyihiin, markasta u la dhaqan dadka si qadarin iyo ixtiraam leh, marna yaysan kaa dhaadhicin inaad dadka kale wax dheertahay.


Marna kuma mashquulaan amaanta ama cayda dadka kale uga imanaysa, waxaa jirta xikmad carbeed oo leh" Cidna haka sugin mahadcelin" waxaad qabanayso wanaag iyo samofal u qabo Alle dartiis, sidoo kale in la iska indhatiro hadallada dadka qaar waa arin meesha ku jirta, haddii aad la doodo doqon dadku waxay ku wareerayaan kiina doqonka ah.


Nala wadaag adigu maxaad ka dhaxashey akhriska ?


Hormari Noloshada

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...