Ka dib markii ay soo
baxeen warar sheegaya in wada hadalladii Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Iskeed
ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ay dib u bilaabanayaan ayuu
guddoomoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe sheegay in
xukuumadda hadda jirta ee Somaliland aanay xaq u lahayn in ay wada hadal la
gasho cidna.
Waxa uu ku hanjabay in
isaga laftiisu Muqdisho ka dagayo haddii madaxweynaha Somaliland uu isku dayo
in uu galo wada hadal aan iyaga lagala tashan.
Faysal ayaa sheegay in
markii hore ee wadahadallada lala furayey Soomaaliya ay saddex xisbi ka
heshiiyeen kadibna baarlamaanka loo gudbiyey sidaasna ay "maqaam dowladeed”
kula tageen wada hadalka, "markii aan 2012 kii wada hadallada bilaabeynay waxay
martay habraac, saddex xisbibaa ku heshiiyey in arrintaa la galo, kadib
baarlamaankaa la geeyay baarlamaankuna wuxuu ka saaray qodobkii ahaa ‘in aan
Soomaaliya lala hadal’ intaas kadibna waxaan la tagnay maqam qaran oo la isku
wada faaqsan yahay” ayuu yiri Faysal Cali mar uu ka hadlayey sidii ay kusoo
bilowdeen wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.
Waxa uuna sheegay in
aanay jirin wax "hoos hoos u dhacay”, saas darteedna aanu oggolaanayn heshiis
aanay wax ka ogeyn, "maantana waxaa weeye, ma dhaceyso wada hadal Soomaaliya
iyo Somaliland dhex mari kara” isaga oo intaas kusii daray, "Kow Somaliland
qalalaasay ku jirtaa, mid dagaal bay ku jirtaa mid siyaasadeed bay ku jirtaa…
madaxweynaha waqtigiisii wuu dhammaaday, wax aan isla ogayna ma jirto,” ayuu
yiri guddomiye Faysal oo sababeynayey waxa uu ku diidayo wada hadal dhex mara
Soomaaliya iyo Somaliland.