Khaladaadka aynu galno waqtiga soonka siiba Hiraabta(suxuurta).

Tuesday April 04, 2023 - 13:42:01
hadhawanaag
Dib u xasuusin uun weeye walaalayaal .


1-Ka tagida Hiraabta( Suxuurta), tani waxay khilaafsan tahay sunnaha. Nebbiga (NNKH) waxa kamid ahaa wadadii uu ino jideeyay in uu cuno Hiraab( suxuur) haddii uu doonayo inuu soomo soon waajib ah ama sunne ah, waxa kale oo uu inagu boorriyey inaynu cuno hiraabta.


2-Nebbigu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato'e wuxuu yidhi: "Hiraabta( suxuurta) maxaa yeelay duco ama barakoayaa ku jirta hiraabta'e" Waa lagu heshiiyay متف عليه. Sidoo kale Nebbigu sallallaahu calayhi wasalam wuxuu leeyahay: "Kala soocidda soonkeenna iyo soonka ehlu kitaabku waa cunida hiraabta( suxuurta)" Waxaa weriyey Muslim.


3-In hiraabta(suxuurta) la cuno habeenkii waqti hore lana dedajiyo, habkani kuma jirto sunnada suubbanaha.

4-Nebbigu sallallaahu calayhi wasalam wuxuu arintaas ka yidhi: "Dedajiya afurka, dib dhigana hiraabta" Waxaa wariyey Al-Tabaraani waxaana sugay Al-Albani.


5-Markaa waxaynu ka qaadanaynaa in wanaaga iyo barakadu ay ku jiraan dib u dhiga hiraabta.

3- Sii wadida cunida iyo cabida cuntada xitaa isagoo maqlaya qofku baaqa( Eedaanka) salaadka subax.

Marka ay halkaa marayso addoonku waa in uu ka taxaddaraa oo ilaashadaa soonkiisa, waa in uu afxirtaa oo uu ka tagaa wax kaste oo ka jabinaya ama yaraynaya soonkiisa.


Dib u xasuusin uun weeye walaalayaal .


W /Q : Xamse Cabdi Ibraahim


#ramadan2023

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...