Jabhadda Tigreega ee
TPLF ayaa beenisay in ay maamul ku meel gaar ah ka dhisteen gobolka waqooyi
sida uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November ee sanadkii
hore.
Wakaaladaha wararka ee
maxaliga ah ayaa sheegaya in kooxda TPLF ay soo gabagabaysay dhismaha maamul ku
meel gaar ah oo ka kooban 28 xubnood, kaas oo u baahan ogolaanshaha dawladda
dhexe.
Si kastaba ha ahaatee,
afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in maamulka ku meel gaarka ah
ee Tigray la dhisi doono oo kaliya ka dib wada tashiyo dhexmara dhinacyada
qaybta ka ahaa heshiiska Pretoria.
"Wararka sheegaya
in maamul ku meel gaarka ah lagu dhisay Tigray iyada oo aysan dowladda ku lug
lahayn ayaa ah mid xaqiiqada ka fog" ayuu Mr Getachew ku yiri qoraal uu
soo dhigay Twitter Axadii.
Xisbiyada siyaasadeed
ee waaweyn ee gobolka ayaa ku baaqaya in la helo dowlad ku meel gaar ah oo loo
dhan yahay si ay u maamusho gobolka iyadoo isku dayaysa inay ka soo kabsato dagaaladii
sokeeye ee khasaaraha geystay.
VOA