Balwada ama Qabatinka Baraha Bulshada.

Monday March 06, 2023 - 11:23:08
hadhwanaag
Sida Lagu Garto Qabatinka Baraha Bulshada.



Sida aan ognahayba baraha bulshadu waxay muhiim uyihiin in aanu ku wada xiriirno oo kukala warqaadano , sidoo kalena dadka qaar waxay uyihiin meel ay risiqa ka helaan .


Iyadoo taasu jirto sidoo kale baraha bulshadu waxay leeyihin saamayn xun sida qabatinka ama in loo isticmaalo wadooyin khaldan .


Sida Lagu Garto Qabatinka Baraha Bulshada.


Waxuu ku garan karaa qofku inuu qabatimay isticmaalka baraha bulshada sidan


1: in uu qofkuisticmaalo baraha isagoon wax ujeedo ah kalahayn kaliya inuu arko wixii hortiisa kaso baxa oo markaasna cajabiya .


2: inuu qofku ku qaato waqti badan isagoo markaasna siiraba inuu sii isticmaalo .

Sida Looga Kabto Qabatinkaas.


Waxaa looga takhalusi karaa caadadan inuu qofku telafonka iskafogeeyo waqtiyada qaar sida xiliga shaqadaama xiliga sexashada waxaa dhacda dadka qaar inuu hurdada ka hor istaago isticmaalkisu iyaguna sidaas kuma qanacsana lakin way ku khasban yihiin waayo wayla qabatimeen .


sidoo kale waxuu u baahan yahay inuu mudo dheer iska daayo isticmaalka barahaas , tusaale hada kahor waxan go'aansaday inaan mudo bill ah joojiyo hasayeshe 16 bari ban kamaqnaa waxana qabsaday howlo badan sida inaan course online ah dhigtay iyo xirfado kale cumputerka laxiriina markaas waxan ogaaday in ay baraha bulshadu howlo badan naga hor taaganyihiin , intaas kadib aad baan u yareeyey isticmaal koda .


saamaynta ka dhalan karta balwadan .


1: in uu qofku naftiisa ilaawo

2:in uu qofku daal dareemo isagoon shaqo qaban

2:in uu qofku macaamilka dadka uu yareeyo oo uu doorbido inuu kaligii ahaado .


UGU DAMBAYNTII .


Balwada (qabatinka) baraha bulshadu ma ahan wax sahlan oo waxayna balbadaha kale kala simantahay farxad raadinta qofkana caajis iyo madax xanuun inuu dareemayo haduu waayo ,


waxayna maskaxdu sodaysa inta lagu gudajiro gudashada balwadkasta hormonada farxada sida ( dopamine ).


Waxa jira wadooyin sax ah oo loo isticmaalo baraha bulshada waxaana kamid ah in ay dadku wax ku kala faa'iidaystaan, in wixi war ah oo run ah la is ku la wadaago in qarabada iyo asxabta lugula xiriiro .


Ma ogtahay tahay inay shirkadaha sida facebook , tiktok iyo youtube ay har iyo habenba ay ku dadaalaan sidii ay macaamiishooda uga dhigi lahaayeen wax ay haystaan oo marnaba katagi karin !?


Hadii aad wax ka faa'iiday qoraalkan lawadag dadka kale .


By Abdalahi Abdulahi Haydari

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...