Xaabsade Ilaa Khaliif Sool Siyaasiyin Guurguura Iyo Nabar Dusha Laga Dhayayo.

Monday February 27, 2023 - 09:54:01
hadhwanaagtv
2003 sidii ina Cigaal ayaa marti qaad loo soo diray



Sanadkii 1993 Siyaasi maxamed Cabdi Xaabsade wuxuu noqday Gudoomiyaha aqalka wakiilada. Isaga iyo Garaad Cabdi Qani AHN waxay bud dhig u noqdeen seeskii Somaliland ee Gobolka Sool.


Sanadkii 1997 wuxuu khilaaf soo kala dhex galay Cigaal iyo Garaadka, khilaafkaasi wuxuu sababay in uu Xaabsade u Goosto shirkii Aasaskii Puntland. 1998 markii lagu dhawaaqay Puntland, waxa ui Xaabsade ka midnoqday maamulkii halkaa laga dhisay Laascaanod na calankaas baa laga taagay.


Bilowgii 2000 hadana khilaaf baa soo kala dhex galay Xaabsade iyo Puntland, Laascaanod na waxa ku xoogaystay dhawaaqyada Somaliland, lakiin ina Cigaal kor joog mooyee fara galin badan kumuu samayn.


Sanad 2002 xili uu Cigaal safar ku tagay gobolada bariga. Markii hore diyaarad ayuu ku socday markii danbena dhulka ayuu ku soo noqday. Xiligaa qaybo ka mida bulshada Sool ayaa yidhi anagana na soo mar oo si adag ugu qalqaaliyay. Rag waftigiisa ka mid ahaa ayaa ku yidhi Madaxweyne waa laguu heelanyee aan Laascaanod aan tagno. Wuxuu ugu jawaabay hadal aanan maanta halkan ku soo qoray maadama aanan afkiisa ka hayn uuna inaga hooseye(geeriyoiday). Laakiin nuxurkiisu noqonayo "Waa Nabar aan wali bogsan oo wali milil ku jiro".


Geeridiisii kadib ayaa Madaxweyne Rayaale uu dadaal badan galiyay uuna badalay siyaasaddii Cigaal ee korjoogtada ahayd.


2003 sidii ina Cigaal ayaa marti qaad loo soo diray. Si calool furan ayaa wax walba lagu qaban qaabiyay. Waxa la gaadhay in xitaa la yidhaa Tiknikadaada badan Oog kaga imo anagaa amaankaga ka masuul noqonayna. Rayaale markuu Laascaanod uu tagay waatii la ogaa wixii ku dhacay iyo khatartii nafeed uu galay.


Rayaale Wuxuu goaansaday inuu dib uga soo baxo 2003 uuna xaalada ku celiyo sidii siyaasaddii Cigaal.


Sidaa kumay joogine 2007 ayaa siyaasiyiin waa way oo Xaabsade hor kacayaa ay soo galeen Somaliland, sidaas bay hadana Laascaanod dib ugu soo noqotay gacanta Somaliland.


Madaxweyne Siilanyo wuxuu goaansaday inuu gobolka wax qabad iyo isku soo dhowaansho badan ka sameeyo. Wuxuu noqday Madaxweynahii ugu horeeyay ee tan iyo Cabdirashiid dilkiisii magaalada Laascaanod dhawr jeer u hoyda.


Xaabsade waxa uu ka dhigay markii hore wasiirka Warfaafinta markii danbena Wasiirka Hawlaha guud.


Mudo yar kadib wixii uu Siilanyo niyad samida ku waday waxa ka soo dhex galay dagaaladdii Kalshaale iyo Buuhoodle.


Xaabsade mar sadexaad ayuu guuray. Markan wuxuu iibsaday gurigii shacabka ku yaalay ee wasaarada hawlaha guud lagu siiyay oo wuxuu jeebada ku sitaa 500 kun. Niyad samidii Siilanyona halkaas bay ku dhamaatay. Inkasta oo xili mudo xileedkiisii dhamaaday 2017 uu wada hadal la furay Khaatumo iyo Cali khaliif hadana. Dhacdadii Kalsheele 5 sano oo kale ayay sii kala fogaysay gobolka iyo Somaliland.


Madaxweyne Muusa yimid waxa uu isku dayay inuu arinka ka badalo nidaamka gobolka loo daba fadhiisinayay hogaamiyayaal siyaasadeed iyo Garaado, oo waxa uu isku dayay in si toosa bulshada wax muuqda loogu qabto oo qalbiyadooda la soo jiito. Arinku waa colka wadhaf ma lagu dayay. Waxay xukuumadani ku faantay inay 40 iskuul, 20 MCH ama xarumo caafimaad iyo ceelal iyo balayo badan ka samaysay deeganka.


Muuse muu qaadan fikirkii macalinkiisii siyaasada Cigaal, wuuna ka weecday tii Siilanyo ee soo jiidashada haldoorka deeganka.


Maanta waxa inoo muuqata burburkii qaacidadii sadexaad ee lagu dayay gobolka Sool. Aragtidii Cigaal ee 2002 oo aan anigu u arka ta qudha inay tahayna waa la isagu soo dagayaa.


KHALIIFNA WAX KA DUWAN SAMAYN MAAYO WUXUU XAABSADE SADEX JEER SAMEEYAY HARGAYSINA LAAB XAADHNI DAYN MAYSO.


W/Qoray Mahdi Dhere

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...