Hargaysa (HWN) Xoghayaha
guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in xaalada Laascaanood ayna
ubaahnayn xaflad Hargaysa lagu qabto iyo sawiro quruxbadan oo lagalo.
Xoghaye Khadar ayaa
sheegay in xalka Laascaanood ku jiro runta oo laga sheego waxa Meesha kajira,
sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.
"Dagaalka sokeeye ee
Laascaanood xalkiisu waxa uu ka
bilaabmayaa runta oo laga sheego waxa jira iyo sida ay u jiraan, ereyga qalbiga
ka soo baxa ayuun baa kalsooni abuuri kara.
Runtuna waxa ay tahay
in Laascaanood aanay maanta u baahnayn, madal Hargeysa ah oo lagu sheekaysto
iyo sawirro qurux badan oo la galo.
Xisbiyada Qaranku
madaxweynaha waa ay la kulmeen, waana ay siiyeen wixii xal ay u arkayeen iyo talo
iyo tusaale wixii ay hayeenba.
Madaxweynaha
waajibkiisa ayaa ay tahay in uu keeno qorshihii colaaddaas lagu joojin lahaa,
in qofku masuuliyadda saaran uu ka galgashaana, xalka ayuun bay sii fogeysaa.
Aynu heshiinno iyo aynu wada hadalno oo afka laga sheego xal laguma gaadhi
karo, haddii aan qorshe iyo hawl lagu darin.
Maanta Madaxweynaha
waxaa laga sugayaa waa in uu jeexo tubta uu doonayo in colaaddan lagu soo
afjaro.
Gacantiisa ayaa ay ku
jirtaa oo cidi lama wadaagto, sida aanay cidi ula wadaagayn samaan iyo xumaan
wixii ay taariikhdu arrintaas ka qorto " Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani.