Sidan u hel farxada noloshaada

Thursday January 19, 2023 - 11:09:38
Hadhwanaag
Qof kasta u dhoole-cadee. Wejiga furan waa furaha


1. Quraanka iyo xidhiidhka illaahay adkee, oo ku dadaal. Meesha ugu wanaagsan, ee farxada nolosha laga helaa waa innaad dib ugu noqoto fahamka diinta. Haddii aad joogtayso, noloshaada isbaddel wanaagsan ayaa ku iman doona insha allah


2. Wakhti la qaado dadka aad jeceshahay. Waa hubaal waxa jira dad aad jeceshahay kaftankooda iyo sheekadooda, kuwaasi waa dadka qayb ka noqon kara farxadaada. Dadkani waxay noqon karaan cid kasta oo kaa ag-dhow.


3. Qabo maalin kasta wax ku farxad gelinaya. Waa muhiim innaad hesho waxyaabo ku farxad geliya, oo aad joogtayso. Raadi ficilkaas, oo si joogto ah u samee.


4. Ka fagow meel kasta, oo lagu hadal-hayo waxyaabo farxada noloshaada dhaawac gaadhsiinaya, waayo maaha goob aad u qalanto.


5. Qof kasta u dhoole-cadee. Wejiga furan waa furaha farxada. Dhoolo-cadaynta weligaa ku khasaari maysid, ee ku dadaal innaad dadka u dhoolo-cadayso, waayo quruxda kaa maqani waxay ku jirtaa qosolkaaga.

Ugu dambayn,


Waxaan kuu rajaynayaa nolol qurux badan insha allah. 

Mohamed Faisal

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...