Ha ka dhigin noloshaada mid qof walba ogyahay! Dadka ku hareeraysan dhammaantood kuuma wanaagsana, qof walba laguma kalsoonaan karo. Xasadka, khiyaanada, iyo dhagarta waxay inta badan kaaga yimaadaan kuwa kugu dhow, gaar ahaan kuwa og xogtaada gaarka ah.
Xusuuso:
•Qofna ma xadi karo hantidaada ilaa uu ogaado faahfaahinta gurigaaga.
•Qofna ma curyaamin karo mashruucaaga ilaa aad la wadaagto sirtaada.
•Qofna ma dhagarayn karo qoyskaaga ilaa uu noqdo qof si joogto ah u soo gala gurigaaga.
•Qofna ma garan karo meelaha aad ka liidato ilaa uu si dhow kuu barto.
Sirtaadu waa maxbuus aad adiga hayso, balse marka aad hadasho, adiga ayaa noqonaya maxbuuskeeda! Waxaa jira dad muuqaal ahaan kuu muujinaya saaxiibtinimo iyo wanaag, laakiin gudaha ay kaga jirto xaasidnimo iyo dan gaar ah. Xitaa kuwa aad u malaynayso inay kugu dhow yihiin, waxay leeyihiin dad iyaga u dhow—marka ha filanin in sirtaada ay xajiyaan haddii adigu aadan xajin karin.
Ma laguu sheegay? Dadku ma lahan damaanad joogto ah, waana isbeddelaan! Qof aad maanta u malaynayso inuu yahay qofka kugu dhow, wuxuu berri noqon karaa qofka aad ka digtoon tahay, maxaa yeelay mar ayaad u bandhigtay sirahaaga, daciifnimadaada, iyo noloshaada gaarka ah.
Haddaba, Samee Xuduudo
✔️ Ha noqon qof si sahlan u sheega sirtiisa.
✔️ Ha u sheegin arrimaha qoyskaaga qofna, maxaa yeelay qoyskaaga adiga ayey kuu yihiin qoys —dadka kalena waa u dad shisheeye.
✔️ Ha weydiisan qof talo haddii aad hubto in aad guuleysan karto. Talada dadka qaar waxay noqon kartaa dabin.
✔️ Ha u oggolaan farxadda inay kaa dhigto qof aan xad lahayn, hana u oggolaan murugada inay kaa bixiso waxyaalaha muhiimka ah.
✔️Xakamee carrabkaaga marka aad xanaaqsan tahay, xakamee deeqsinimadaada marka aad faraxsan tahay.
F.G. kugulama talinayo inaad dadka ka go'do ama aad xiriirkooda jarto, waayo dadka oo dhan ma wada xumaa, mana wada khiyaano badna. Laakiin si aad naftaada u dhowrto, waa inaad garataa xuduudaha aad la yeelanayso dadka kugu hareeraysan. Naftaada xafid, sirtaadana yaysan noqon mid qof walba kawarqabo!
Ku soo biir oo igala soco Bogga Usame Qiyasle
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!