"Kaliya maahan diin, ee waa wadada nolosha"

Tuesday October 25, 2022 - 09:59:33
hadhwanaag
waxaana lugu tilmaami karaa halka laga helo dadka



Dalka pakistan waxaa sanad kasta booqda in ku dhow 1 milyan oo ajaanib dalxiiseyaal ah oo ay qaarkood ka shaqeeyaan samaynta muuqaalada dalxiisyada iyo safarrada oo ay soo galiyaan youtube-ka iyo baraha kale ee intarneetka,lakin arrinka cajiibkaa ayaa ah in dalkani uu yahay kan ugu badan ee dadyoowga shahaadada (towxiidka) loogu qabto gaar ahaan dadka safarrada gaaban kuyimaada,


 

waxaana lugu tilmaami karaa halka laga helo dadka ugu wanaagsan ee laga dheehan karo wacnaanta iyo weynaanta islaamka iyo in ay diintani tahay tan badbaadinaysa qof walba, yacni diinta badbaadada iyo sare-ukaca shaqsiyadda.


 

Dadka pakistan waxaa caado u ah soo dhaweynta martida, falidda wanaagga nooc walba iyo inay marwalba ku sifaysanyihiin farxad badan xaalad walba oo ay kujiraan sida laga arki karo muuqaalada iyo dukumintiyada laga soo diyaariyay waddooyinka magaalooyinka.


 

Sanadkii 2019 waxaa booqday gabar 'canadian' ah oo lugu magacaabo Rosie gabrielle oo sameyn jirtey muuqaalada booqashada ah ee ay ku tagayso caalamka (vlogging), waxaa waqti yar ku faaftay sheekada islaamideeda oo ahayd mid xiiso badan ciwaanna looga dhigay " it's not just a religion, it's the way of life" waxayna soo muuqatay iyadoo aad u qiiraysan ilmaynaysana dhoowr mar.


 

" dadka dunida kunool waxaan leeyahay fadhiga ka kaca fadlan, kaalaya barta dadkan. 'muslimiintu waxay badaleen noloshayda, muslimiintu waa hal qoys oo kulligood wanaagga tusaale u ah" intaana waxa ay kusoo celcelisay dhowr mar oo ay duubaysay muuqaallo ugaar ah iyada.


 

Website-keeda ayay kusoo qortay qisooyin iyo taariikho kale oo quseeya nololsheeda iyo sababta islaamiddeeda waxaana kamid ahaa.


 

"Sannadkii hore wuxuu ahaa kii iigu adkaa ee noloshayda, waxaan kujirey xaalad fikir oo qoto dheer, arinkuna waa uu jirey ilaa yaraantayddii oo waxaan ku mashquulsanaa abuuristayda iyo xiriir dhanka abuurahayga ah anigoo si hoosena wax badan u dareemi jirey, 4 sano kahor ayaan ka tagay diintaydii hore ee kirishtaanka taas bedelkeedana waxaan galay safar cilmi-nafsi ah oo gudihiisana an ku dareemay xanuunka ugu badan, waxaan dadaal walba u bixinayay si aan uhelo xiriirka dhabta ah ee Allaah iyo halka uu iga jiro xaqqu, natiijaduse sidan ayay noqotay".


 

Waxay kaloo tiri "macnaha dhabta ah ee Islaamku waa NABAD, JACAYL iyo MIDNIMO. Ma ahan kaliya diin, laakiin waa hab nololeed, waa diinta nolosha dadnimada, khushuucda iyo jacaylka. Ani ahaan, waxaan horeba farsamo ahaan u ahaa "Muslim" shahaadadeydu(islaamideyda) waxa ay nolosheyda dib ugu hurtay waddada Midnimada iyo nabadda".


Gabadhaa hadan kasoo laabanno waxaa jira dadyoow kale oo iyana youtuberro ahaa kuwaa oo ku islaamay naxariista Allaah kadibna sababta dadka reer pakistan oo ay kamid ahaayeen 'Jay palfrey' iyo ' christiam Betzmann' oo ay iyana ku xiranyihin dad gaaraya dhowr boqol oo kun.


 

Luke damant isna waa mid kamid ah muuqaal sameeyeyaasha ugu saameyntaa badan intarneetka sanadahan dambe, isna waxa uu soo gudbiyay muuqaallo lugu tilmaami karo kuwii ugu wanaagsanaa ee laga tabiyo wadan islaam ah oo markii hore laga aaminsanaa 'goob laysku dooxo' haba u badbaadaan dadkaasi reer galbeedkee. hanuunka Allaah ayaa baxsha waan u duceyneynaa cid walba oo ka qadday nimcadan in ilaahay ku arzaaqo sdhucuubta kalana ka yeelo sida kuwa pakistan ee kulligood 'Tabliiqqa' ah.


????/????: ????????????????????????????????????????????????

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...