Rasmi: Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Wasiir Maxamed Kaahin oo Hargeysa kulan ku yeeshay.

Saturday October 15, 2022 - 08:26:17
Rasmi: Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Wasiir Maxamed Kaahin oo Hargeysa kulan ku yeeshay.


May be an image of 7 people
Hargeysa habenimadkii xalay waxa kulan ku yeeshay Madaxda Xisbiga Waddani ee Sare iyo Xubno ka tirsan Xukuumada iyo Xisbul xaakimka Kulmiye.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa kulan kula yeeshay Hudheelka Guuled Ee Hargeysa Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo xukuumada.

Kulanka oo xalay ka dhacay Guuled Hotel ee magaalada Hargeysa ayaa ilo Kulan qayb ka ahaa oon la xidhiidhay iigu sheegen inuu ahaa kulan iska caadi ah oo ay kuwa wada shaaheen madaxdu ahaa islamarkaana si guud la isku xog waraystay, balse aanay jirin wax xog ah oo dheer intaas oo ay bixinayaan.

Xubnaha kulanka ee labbada dhinac ka qayb galay ayaa waxa ka mid ahaa:

1. Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

2. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

3. Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Maxames Xaaji Yuusuf Waabeye.

4. Wasiirka wasaarada Caafimaadka Dr. Xasan Maxamed Cali (Gaafadhi).

5. Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

6. Wasiirka Tamarta iyo macdanta Somaliland Cabdilaahi Faarax

7. Duqii hore ee caasimada hadana ka mid ah xubnaha golaha deeganka Hargeysa iyo golaha fulinta Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmaya wakhti Xisbiyada Mucaaridku si adag uga soo horjeedsadeen muddo kordhinta Xukuumada kuna tilmaameen mid xaaran ah oo anay aqbalayn walow aan la ii sheegin in arrimahas ay ka wada hadleen, balse xogta rasmiga ah markaanu helno waxaanu idinkula wadaagi doona halkan.

     
Loading...