Warbaahinta Masuuliyad Adag Ayaa Saaran. Faallo kooban.

Wednesday October 05, 2022 - 10:36:40
hadhwanaag
Qalinkii : Suxufi Mawliid Maxamed Siciid


"Odayga Jaamac la yidhaahdaa (Jaamac Shabeel) malaha Biyahii  kululaa ayuu badsaday".

 

Siyaasi Abwaan Cismaan ku jare, oo waraysi siiyay Horyaal TV ayaa sheegay inuu siyaasiga (Jaamac Shabeel) bad saday biyaha kulul kuwaas oo dadku badi u yaqaanaan Khamriga

 

Cismaan ku Jare waxa loo yaqaan Abwaan gabyaa ah oo  dhaqan yaqaan ah iyo siyaasi.  Nin Oday ah, Soddog ah Aabo ah sidoo kale Xurmo iyo Xarrago ku dhex leh dalka oo siyaasi la garanayo ah 35-kii sano ee u dambeeyayna saaxadda siyaasadda ku jiray xilal kala duwana soo qabtay inuu sid fudud ugu tilmaamo Khamriyo cab waliba badsada oo uu warbaahinta u mariyo waa wax aad looga naxo iyo aflagaado lafjab ah. runtii afkiisana kuma habboonayn inuu soo mariyo cayda intaa leeg. Maddaama isguba uu yahay Nin weyn oo masuul ah oo damac siyaasadeed leh.

 

Afkaarta siyaasadeed ee la isku diiddan yahay waa la isku dhaliili karaya. Laakinse caydu waa mid aan fiicneyn iyo in qofka cirdigiisa iyo sharaftiisa  meel lagaga dhaco. Diinta Islaamka iyo dhaqankeenuna meel adag ayay ka istaageen arrimahaa.

 

Warbaahinta masuuliyad culus ayaa ka saaran waxyaabaha ay bulshada u baahinayso waa inay iska tifaftiraan oo aanay cayda iyo dhaqan xumada kusii daynin dhegaha iyo indhaha bulshada daawanaysa.

 

Muddooyinkii u dambeeyay Somaliland waxa wax caadiya laga dhigay ama noqotay in siyaasiyiintu si qaawan oo lafjab ah warbaahinta cay isugu mariyaan iyadoo aan waxba la xeerinayn.

 

Runtii haddii ay sidaa kusii socoto oo aan la is daba qabana dhibaato xun ayaa ka dhalan doonta.

 

Waa in la kala gartaa shaqsiyadda qofka In lagu xadgudbo  iyo fikirkiisa siyaasadeed ee uu aamin sanyahay in wax laga sheego inay tahay 2 qodob oo aad u kala duwan.

 

Qalinkii : Suxufi Mawliid Maxamed Siciid

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...