Maamul goboleedka
Puntland ayaa ka digay wax uu ugu yeeray dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka
Soomaaliya "ee aan dastuurka waafaqsaneyn ee ay waddo” dowladda federaalka.
War-saxaafadeed kasoo
baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in arrintan ay la xiriirto
fulinta hindsiye shidaalka Soomaaliyeed ee 2020, kaasi oo ay sheegtay inuu
xadgudub ku yahay qodobada kala ah; 44, 51, 53 iyo 54 ee dastuurka KMG ah ee
Soomaaliya.
"Qodobka 44-aad ee
dastuurka wuxuu qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah lagu wadaago hab
wada-xaajood ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Si
kastaba, ansixinta xeerka shidaalka ee 2020 looma marin habraacii dastuuriga
ahaa, sidaas darteed, waa mid aanay aqbali karin shacabka Soomaaliyeed, gaar
ahaanna dowladda iyo shacabka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Puntland ayaa sheegtay
in baarlamanka federaalka uu meel-mariyey hindisahan iyadoo aan lagala tashan
dowlad goboleedyada, sidaas darteedna uu yahay mid aan dastuuri aheyn.
Puntland waxay sidoo
kale sheegtay inay aad uga xun tahay inay dawladda federaalka Soomaaliya ay ku
adkaysaneyso fulinta sharcigan.
"Dawladda Puntland
waxay uga digaysaa dawladda faderaalka ee Soomaaliya inay joojiso fulinta
sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka dalka, kaas oo keeni kara in uu dalka galo
xasillooni darro, islamarkaana uu meesha ka saaro geedi socodka dhismaha
dawladnimada, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado,” ayaa
lagu yiri war-saxaafadeedka.
Ugu dambey Puntland
ayaa sheegtay inaysan qeyb ka noqoneyn hanaanka shidaal sahminta Soomaaliya, oo
ay ugu yeertay mid sharci-darro ah, illaa inta inta dib looga billaabayo
wadatashiga ku saabsan lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka ee u
dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.