Sadexdii xubnood ee hore u waayey kalsoonida golaha wakiilada si ay uga mid noqdaan komishanka doorashooyinka ayaa sameeyey dedaalo ay ku qanciyeen xildhibaanada golahaasi si loogu ansixiyo ka mid noqoshada komishanka cusub.
Warar hada I soo gaadhay ayaa xaqiijiyey in sadexda xubnood ee kala ah Muuse Xasan Yuusuf oo ka soo jeeda bariga Burco, Axmed Yuusuf Maxamed oo ka soo jeeda bariga Sanaag iyo Axmed Cismaan Xasan oo ka soojeeda Awdal ay kulan la qaateen 21 xildhibaan ka soo jeeda beelaha Garxajis kuwaas oo ay ka codsadeen inay ansixiyaan iyada oo xisbiga Waddani uu qayb ka ahaa dedaalada lagu qancinayey mudaneyaasha.
Warka ayaa sheegaya in xildhibaanadu ay u balanqaadeen sadex xubnood inay u codayn doonaan mar haddii ay haystaan kalsoonida xildhibaanada ka soo jeeda beelaha kale waxaanay u soo jeediyeen sadexdan xubnood inay cadaalada aad u ilaaliyaan marka ay komishanka ka mid noqdaan.
Xildhibaano xulafo la ah ururka Kaah ayey wararku xaqiijiyeen in Muuse Xasan Yuusuf oo ka soo jeeda bariga Burco uu dareensiiyey inuu ka maarmay isaga oo u sheegay in codkooda ay kaga xidheen shuruudo ay ka doonayeen inuu fuliyo.