Hargaysa (HWN) Xildhibaan Maxamed Khadar oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay Buuq saaka hadheeyay fadhigii Golaha wakiilada Somaliland.
Xildhibaanka oo baahiyay qoraal uu kaga hadlayo buuqa saaka ka dhacay golaha Wakiilada ayaa yidhi sidan:-
"Sixid Siday wax u dhaceen saaka.
Horta wax mushkilad lagu sheego ma dhicin, kaliya waxaa saaka Golaha la keenay Xeerka Anshaxa Golaha oo aad loogu baahnaa, dhaamaan xildhibaanada badamkoodu waxay soo jeediyeen in la soo akhriyo la fahmo lagana doodo maalmaha soo socda.
Halkaa markay arintu
maraysay ayaa waxaa kulmay anigoo kursigaan fadhiyay ka kacay kursigaygii
horena ku noqday iyo Hadal aan meesha leekayn oo xildhibaan Golaha ka tirsani
ku tiraabayay, markaa ayaan Gudoomiyaha ka codsaday in uu xildhibaankaas
aflagaadoonaya Golaha ka qabto oo arinta soo dhex galo, arintaasina wax ula
jeedo iyo cid ku dhibaatee namay ahayn ee hoos ha loo dhigo.
Ugu dambayn saxaafadeenu way dedaalaysaa lakin sxb-yaal wax kasta ha isku dayina inaad buunbuunisaan.
Anigana kolay fule xantii ma mooge, markaan hadlo ama aan yara hinqado aad baa laysoo eegaaye Boqol Jeer Raali ahaada.
Waad Mahadsantihiin Dhamaantiin."