Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray degmada Dooloow ee Gobolka Gedo

Monday June 20, 2022 - 11:08:34
hadhwanaag
Ergayga iyo wafigiisa ayaa booqan doono xarooyin



Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa gaarey Degmada Dolow ee Gobolka Gedo.


Maamulka Gobolka Gedo, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Maamulka Degmada Dolow Somaliya Wasiirkii Arimaha Gudaha Jubaland qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweyn balaaran u sameeyey


 

Ergayga iyo wafigiisa ayaa booqan doono xarooyin barakacayaasha oo mudooyinka u danbeeyey ay ku soo barakaceen qoysas aad u tiro badan.


Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa horay u booqday kaamamka Barakacayaasha ee kuyaalla degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

     
Loading...