BOOLISKU WAA SAAXIIBKA DADWEYNAHA.

Saturday June 04, 2022 - 12:24:38
hadhwanaag
Waxa aan u dhashay dal hasha geela cuntee cabbaada ah,dal waxii uu shalay

Waxa aan u dhashay dhul kiisa gudoomiyaha ahi uu geddoominayo, kiisa garwadeen ka ahi uu garduubayo, kiisa caalimka ahi uu callaqayo, midkiisa indheer garadka ahi uu ambinayo,kiisa gaws dambeedka u ahi uu dhintaaqaynayo,dal hoggaamiyihiisii uu hagar
daamaynayo,siyaasigiisii hadba sida dantiisu ula jiifato uu sabbaaxadaynayo,askerigiisiina uu faganayo.


Waxa aan u dhashay dal uu caqliga saliim ahi ceeb ka yahay, kii wax saxan sheegana uu selel sanyahay oo wuu suuxsanyahay la oranayo,run sheegguna uu ceeb sheeg ka yahay,kan laxa jeclada ka leh la fogaysanayo,kan war sidaan ka daaya dhahana xabsiga lagu illaawayo,kan u tudhana asaga lagu dultumanayo.


Waxa aan u dhashay dal hasha geela cuntee cabbaada ah,dal waxii uu shalay ka cabanayay maantay ciddaha kale kula dhaqmaya,dulmiga iyo xaqdarraduna ay buuxdhaafiyeen. Waxaan u dhashay dal waxii xaafiis dowladdeed kaa galaa ay yihiin wax xabaal kaa galay,markii aad askerigiisa aragto aad ballaayo filanayso,haddana gidaarada saldhigyada ay ku qoran tahay,: " BOOLIISKU WAA SAAXIIB KA DADWEYNAHA.”


Waxa aan u dhashay dal uu feker ku waali ka yahay,xaq u doodku xaqiiq ka dheerayn yahay, qofka dantiisa hoos u eeganayana il gaar ah lagu eegayo. Waxaan u dhashay dal dhib walba oo ka jirta markii la soo hadal qaado waxii keensanayay ee ay ahayd in la xalliyo indhaha laga laliyo waxii aan keensanayn oo kale dadka lagu jihaynayo sida: qabyaalad ayaa halkaas na dhigtay iyo waxyaabo la mid ah. Waxaan u dhashay dal ay ka taliyaan dad ayaga laftooduba mustaqbal lahayni, markii wax mustaqbalka ku saabsan lasoo hadal qaadana uu yahay hadal koodu iska aamus adeer ilmo yar ayaad tahay’e , wax ma fahansanid iyo waxyaabo kale oo kasiidaran.


Waxa aan u dhashay dal markii aan habeenkii dhex marayo waddooyinka gurigayga aada aana hubin in mobilkayga iyo hantidayda layga qaadi doono, in ley dili doono iyo in aan aqalkaygii nabad tegi doono.Dal hubkiisii uu shacabkiisu gacanta ku haysto oo maalin ka ay ka billaabato nin waliba qorigiisa la soo baxayo, haddana qof kii afkaas kala qaadaaba uu leeyahay: "Nabad ayaynu haysanaa iyo adduun ka Nabad ayaynu ka iibinaynaa”, waan garan waayay Nabaddaas aan adduun ka iibbino iyo qiimaha aynu ka siino.


Waxa aan u dhashay waddan beentu ay tahay ganacsigiisa ugu weyn, runtuna ay tahay caddawgiisa ugu weyn. Dal kii lagu aaminaa uu intifaacsanayo,kii loo diraa uu docda ka faruuranayo,kii lagu halleeyana uu asagu halleynayo. Waxaan u dhashay dal siyaasigiisii uu han iyo himilo midna lahayn, inta yar ee uu leeyahayna ay tahay in uu kursi ku fadhiisto hungurina daaweeyo.Marka aad caadifadda iyo taageerada aad meel iska dhigtana siyaasi aad kun doolar ku aaminto oo aad ku tidhaahdo dalka wax ugu qabo aadan garaneynin, iskaba daa in aad waddankii oo dhan u dhiibta’e.Waxaan u dhashay dal uu hantiilihiisu uu raasa maal barax tiran oo shillinka quuta noqday,kiisa hantiilaha ahi na uu hanti sii kodhodhsanayo,kiisa saboolka ahi na uu saboolnimada sii kodhodhsanayo,masaakiintuna ay miska la fuulo leedahay,canshuurtana qofba qofkii uu ka jilicsanyahay laga qaado.


Waxa aan u dhashay dal wax kasta oo wanaagsan laygu adkeeyay, wax kasta oo xunna la ii fududeeyay oo hal erey oo aan idhaah daa uu iga xego.Waxaan u dhashay dal haddii aan bank-ga islaamiga sheeganaya uga baahdo amaah aan hawlaheyga ku fushado uu isaaranayo boqolkiiba sideed, boqolkiiba toban ama boqolkiiba toban iyo shan.Laakiin haddii aan ribadii illaahey xarimay u baahdo ley saaranayo boqolkiiba laba kaliya. Waxaan u dhashay dal haddii aan caddaaladda doonayo albaab walba layga soo xidhayo,cid kasta oo aan wax uga baahdana ay iga rooreyso,balse marka aan dulmi iyo xaq duudsi wado, xoogaa yar oo laaluush ahna aan bixiyo cid waliba aniga ii raxleyneyso, albaab walibana durbo la ii furayo .Waxaa u dashay dal haddii aan runta sheego ama aan caddaawaha ummadda aan farta ku fiiqo aniga ley dilayo ama xabsi leygu illaawayo.


Waxa aan u dhashay dal maalin ba maalin ka ka dambeeya ay goobaha waxbarashada ee laga dhisayaa ay sii badanayaan, qiimaha wax lagu barto ee ardayda laga qaadaana uu kor u sii kacayo,Laakiin marba marka ka dambeysa ay aqoontiisu sii taya beeleyso, akhlaaqdiisuna ay sii lumeyso.Waxaan u dhashay dal ardayda u qalin jebinaysaa ay si xawli ah u kordhayaan,laakiin se-aqoonyahannadiisu ay aad u sii yaraanayaan oo shahaado uun la wada sidto.Dal masaajiddiisii iyo qurxintoodii ay sii badanayaan, se masaajid maskiin habeen seexdo aan lahayn. Guryo Illaahey oo inta lagu tukganayo mooyee inta kalena albaabadoooda dadka laga xidhanayo oo lagana saarayo ay yihiin.Waxaan u dhashay dal ay dadkiisu riyo ku nool yihiin runtana si walba uga firdhanaya, markii sababta dib u dhacooda lasoo hadal qaadana lasoo taagaan dalyar oo curdina oo soo koraya ayaa nahay, ee degdegga jooji!


Xaqiiqo ahaantii ma lihin dowlad aynu ku faanno iyo waddan aan waddaniyiin u noqo!Waxa aad maqlaysaa ayada oo la leeyahay, soomaalidu waddaniyiin ma aha,ummadaha kale dalkooda way jecel yihiin,waddankooda way ku dhaartan,dalkooda dhiigga ayay u shubaan,waa muwaadiniin,balse lays ma waydiiyo muwaadiniin ba aynu noqona ‘e yaynu muwaadiniin u noqonaa?Dalkee iyo dowladdee ayaynu haysanaa oo muwaadiniin u noqonaa? Dugsiga sare ayaan ku jiray markii aynu macallimiinteenna mid ka mid ah waydiinay maxaad u guursan weyday? Oo uu noogu jawaabay ma degaan ubad lagu dhalo oo loo dhalo ayaynu joognaa?Ereygas maalintaas qaymigiisa ma aana garaneyn, se iminka ayaa si dhab ah u dhaadayaa macnaha uu xambaarsanaa.


Dhammaad




W.Q: KEYD XASAN DAAHIR

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...