Garoowe(HWN) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku socda dhamaan Gobolada Puntland kaasi oo uu ku farayo shacabka inay salad roobdoon ah iskugu soo baxaan.
Waxaanu War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah soo gaadhay Shabakada Hadhwanaagnews uqornaa sidan:-
Ku : Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland.
Ku : Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dawladda Puntland.
Ku : Dhammaan Guddoomiyayaasha Sagaalka Gobol ee Dawladda Puntland.
Ku: Dhammaan Guddomiyayaasha Degmooyinka Puntland.
Ku: Culuma Awdiinka iyo Bulsho Waynta Puntland.
Og: Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Dawladda Puntland
Og: Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland.
.
Ujeeddo: Baaq isu soo baxyo Roobdoon.
Ka dib safaradaydii aan ku marayey qaybo ka mid ah Gobolada Puntland oo
aan ugu kuurgalayey xaaladda nololeed
iyo amni ee ay ku sugan yihiin Bulshada aan Masuuliyadda u hayno.
Aniga oo dareensan saamaynta
baaxadda leh ee abaarta ba’an ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya iyo si gaar
ahba Dhulka Puntland.
Aniga oo dareensan kana xun dhibaatada Biyo iyo Baad la’aanta ah ee ay ku sugan yihiin in badan oo ka mid ah reer guuraageenna iyo xoolaheenna aynu dhaqanno oo laf dhabar u ah nolosheenna iyo dhaqaalaheenaba.
Hadaba aniga oo ka jawaabaya baaqyada isdaba joogga ah ee Culumo-awdiinka
iyo wax garadka Puntland , dareensanna baahida loo qabo in la qabto isu soo
baxyo roob-doon iyo Alla bari ah, waxaan Maalinta Sabtida ah oo taariikhdu
tahay 30-04-2022 u asteeyay maalin roob-doon ah.
Waxaan culumo-awdiinka sharafta badan ka codsanayaa in ay hoggaamiyaan roob-doonta iyaga oo kaashanaya
masuuliyiinya Wasaaradda Cadaaladda iyo Masuuliyiinta Dawladda ee heer Gobol
iyo Degmo, bulshadana fariinta ka
gaarsiiyaan Masaajidda xiliyada Saaladaha si gaar ah Salaadda Jumcaha.
Waxaan ugu baqayaa Bulsho waynta reer Puntland in ay isugu soo baxaan
roobdoonta, gacmahana Eebe u hoorsadaan kana baryaan in Eebe ugu naxariisto
raxmaddiisa.
Waxaan ILLAHAY ( SWTC) ka baryayaa , kana rajaynayaa in uu innaga
aqbalidoono Roob-doonta iyo Alla barigeennaba.
Ugu danbayntii: Roob doonta darteed waxaa Maalinta Sabtida ah fasax ah dhammaan Xafiisyada Dawladda ee heer Dhexe,
Gobol iyo Degmo.
Waxaan farayaa dhammaan laamaha amniga heerarkooda kala duwan xoojinta iyo sugidda amniga goobaha dadwaynuhu isugu soo baxayaan.
Wabillahi Towfiiq.