Cagta Ii Dhig Waa-kaas Nabsiga Soo Cadceed-Sadaye ( Abdi-Shotaly).

Wednesday October 27, 2021 - 08:53:30
Hadhwanaagtv
Qore:- Abdi-Shotaly

                "Biriijkii shiine dhisee, burco baal kaga yaalay, iyo ma riiggii xumbo weynaa, iyo ma babulaacad jabtaa, marka uu bari caayaayo, galbeed-na beero ku sheego, kolka uu baf-baf leeyee, baloodho raadinayo, bogcad reer u lahaa, intuu boob ku cadeeyo, Ma bahal gaajo ku raagoo, beryo aydda dhex jiifoo, baadi soo helay baa, Askariga baaban bal eega, ba'na aan garanayn, xukun bawsadayoo, maskaxdi ka baxday, ma idiin bulaqaasay. Nin-ba meesha bugtaa, isagay belbe-shaayoo, bogga hoosiyo beerka, bay baguugaa ka dhigtaayoo, bestii uu la noqdaayoo, markuu baala daymoodee, arko ruux bed-qaba, banaankaa ordya, uu ku buubo hinaase, bal miyuu yar bukoodiyo, ku habaara balaayo, cuqdad-biirtay ayaamo, buux-santoo ku dhamaatay, ayuu soo bandhi-gaayo, basarkaa ka xumaadda, hadba beel isku qaadda, Waddani baa i bireeyey, kulmiyaa baabi'iseen. waxan buuga ku oolin, ayuun buu babiyaa, hadaaq uun la butaaca, sidda baabka askariga, kala qaybiya beesha, beledkaa wadda joogta, in uu buuq geliyo, dagaal laysu badheedho, hoogayey badatoo, ku basbeello sidaa". miyeynu raali ka ahaan karnaa, saw inaan iska baydhino maaha, meel inoo fayoobi ma jirtee, bal ummad yahay u fiirsadda, mid derbi-yadda seexdda, oo bakhtigu u xalaal yahay, baa reer iyo mid aanu isku xaafad nahay baa kursiga ku fadhiya, ku difaacaaya, Waxaas oo xumaan ah, kan hadoodi-layee hanja-baadda ku waashay, misna hoos ka qalaalan, hoorseed-kiisii khaldamay, hadalkii is dhex qaaday, hubaal maw arag-teen. Akhristaw aan dib ugu soo noqdo'e, sidda uu cinwaanka maqaalku inoo biniixi-naayo'e, bal ku soo dhawaw waa tane.

 

                 Muwaadin waxa uu dadku u yaqaano " Makhruuqa, waa cudur laga qaado qof waxaad jecshahay, oo aad wayday haysta, ama aad ku aragtay oo heli kari la'dahay, ama maksab uu gaadhay aad u diidan tahay, oo qaybta illaahay iyo abuuri-diisa ka soo hor-jeedda, doonaaya in ruuxaasi wuxu illaah ugu deeqay, in uu ka qaado oo isaga siiyo, mana laha dawo kaasi, ee isaga buu dishoodaa una dhinta, Waxay dadka qaarkii ku sheegaan noocaas  " Xaasid " Waayo wuxu ka dhimanayaa qofkaa uu sinaba ula sinmi waayey, ee uu casaawa-jalahu ka sarey-siiyey, dabeed wuxu isku dayaa in uu kolba taako u dhigo, uu is yidhaaho ha ku jabo, waase uu ku guul daraystaa sidda "Raggii ma adigaa ka hadhay". Kaas oo markii uu ka yaabay, maalin-ba-maalinta ka dambaysa, murugo iyo muraara-dilaac, maskax-fered iyo weji gabax ka sii qaadaaya, waa kaase maryihii dhigtay, markii ay ummadu qaawisay, ee la isu soo taagi waayey. Markii uu ku joojin kari waayey dadka beenta. buu imika kolba shaadh inoo soo gashanayaa, hore milicdda loogu wadhay oo ay cadaysay.

 

                Tuke ha iska qalaadee, sidda keliya ee ay ummadani kaga bixi karaan xumaanta iyo boobka, qaska, qabyaaladda, horu-mar la'aanta, xaraashka Hantidii ma guur-tadda ahayd ee shicibka, kuna soo noqon karto mustaq-balkii iyo rajaddii dalkan iyo dad-kani. Muwaadin, ma wax aad sii eegato baa hadhay, saw tan aad dib ugu noqotay Dawlad goboleed, ee uu caalamkii dhabarka inoo jeediyey, albaab kaste la inaga soo xidhay, askartiina ay inaga isku keen jeedisay, oo mid-ba kuu ka liitay loo tiriyey xaf iis, mid aanad duqsi ku aamin-teen, baa geeri iyo mag la'aan kugu dhaxalay, oo aan ku qaraari-nayn haday kaa baxayso, adna aad ugu rixinaysaa ama daba ordaysaa qabyaalad iyo reer hebel, ee goor maad ka waan-toobi oo aad dantaa garan doontaa, ma marka xabaasha lagugu rido, baad iilka ka soo qaylin doontaa, oo aad is odhan godka aad ku jirto wax ka bedel, imika baad wax qabsan karaysaa ee muwaadin feker.  Qofku marka uu sas ka qaado, guulaha qayrkii gaadhay, ka bacdina soo haaban kari waayo, uu is yidhaaho sare isu soo qaad, kan eebbe hibadiisa uu halkaa ku gaadh-siiye barbar orod, wuu khali duuraa, carqaladuu is yidhaahaa ka hor keen, ka uu xinka iyo xaasid-nimadda, reer hebel u daba ordaayo, waxa-se uu ka siibtaa salaankii uu is lahaa fuul, isaga oo laban-leg-doonaaya buu dhulka ka soo go'aa, sidda qaar badan ku dhacday, wuxu yidhi Abwaan Qaasim (IHN)" Suul-daaro waw halis nimay rag isi seegeene" waxa ka mid ah oo kale murti-diisa " Nin kastoo salaan dheer u baxay, soo deg baa xigiye". aad bay u fara badan tahay xikmadda uu inooga tegay Abwaan-kuye, oo mid la soo koobi karaayo maaha'e, idinkase bay idiin taalaa.

 

                Hadaan mar kale isku dayo in aan idin kebisiiyo, wuxuu illaah ha u naxariisto'e yidhi " Caruuraha la dhacay, awliyadan laga cadhay-siiyey, carshi-gaaba laga soo aqabalay, cabatin-koodiiye, inay curado khayr lihi kacaan, ciidan la arkeeye, cagta ii dhig waa kaa nabsigii, soo car-ceer-sadaye". inta badan waa la arki jirey wuxu sheegi jiraye (IHN) mar kale wuxu yidhi" So'da ceelka waa waxa biyuu, uga sal-guureene, waa waxa abaar nagu saliday, soof ma reebto ahe, saxal-kiyo waa waxa na baday, soorta yaraw-geede, surba-caadka maruun baan ka bixi, saatir baa jira'e. waxan ku soo xidhay, waxa la yidhi " Halka aad nin ka qaadato-ba, nin baad kaga tagtaa" wakhti-guna wuu ku gurayaa, ficil-kaaguna kama daahana ummadda, oo ishaa macalin ah, neefka marka la qalo, mudo buu sii raftaa, oo is yidhaahaa kac, laakiin aakhirka way ka dhamaataa, markaasuu dhulka ogolaadaa, adiga iyo kulmiyana noocaas baad ku jirtaan, oo rafadkii ugu dambeeyey, baad cagaha laabta la dhacaysaan, siddii hal jibaaday, oo dhuun yeedhisay, welise kuuma qudh-qudh-sana, ee iska sii galgalo, inta ay si wacan kuu macasalaa-maynayso.

                * N.B Waxan Wax Gartaa marka Dhagax i dhaafo, Mid-na igu dhaco, Midna igu soo socdo

                Qore:- Abdi-Shotaly

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...