Somaliland: Taliska Muuse Biixi Iyo Muwaadiniinta Maanta Xabsiga La Dhigay

Thursday August 19, 2021 - 20:47:19
Somaliland: Taliska Muuse Biixi Iyo Muwaadiniinta Maanta Xabsiga La Dhigay

Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo waxa maanta lagu xidhay laba muwaadin oo siyaabo kala duwan loo qabtay.

Suxufi Cabdimaalik Coldoon ayey ciidanka booliska somaliland ka qabteen magaalada Burco halka Sheekh Faysal Cilmi Cawad isagana laga qabtay magaalada Ceerigaabo.

suxufi Coldoon oo dhaawac ka soo gaadhay lugta ayaa loo dhaadhiciyey magaalada Hargeysa halka sheekh Faysal oo ka mid ahaa culimada gobolka Sanaag uu isaguna ilaa hada ku xidhan yahay Ceerigaabo.

ilaa hada laamaha amaanka Somaliland kamay hadal sababta loo xidhay labadan muwaadin ee ciidanka booliska ka qabteen Burco iyo Ceerigaabo.

dhawaan ayey ahayd markii Sheekh Maxamed Ismaaciil lagu xidhay magaalada Hargeysa ka dibna maalmo ka dib xoriyadiisa loo celiyey iyada oo aan la cadayn sababta xadhigiisa keentay.

tan iyo intii uu talada somaliland hayey Muuse Biixi waxa mar kasta ku sii badanaya xadhiga bilaa sababta ah ee loo gaysanayo muwaadiniinta.

May be an image of 7 people and beard

     
Loading...