Wasiir Iska Casilay Xukuumada Muuse Biixi Iyo Sababta Keentay

Thursday August 19, 2021 - 11:15:38
Wasiir Iska Casilay Xukuumada Muuse Biixi Iyo Sababta Keentay

Hargeysa(HWN):-Wasiir ku xigeenka caafimaadka somaliland Mahdi Cismaan Buuri ayaa iska casilay xilka uu ka hayey xukuumada Muuse Biixi.

Wasiir ku xigeen Mahdi Cismaan ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumada Muuse Biixi ka dib xaalad caafimaad oo la soo daristay isla markaana loogu qaaday wadanka Turkiga oo uu haatan ku galayo qaliinkii labaad oo lagu samaynayo.

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu ka aqbalay warqada iscasilaada ah ee uga timid wasiir ku xigeen Mahdi Cismaan Buuri isaga masuul cusub oo uu soo raacin doono isku shaandhaynta la sugayo ee uu dhawaan xukuumadiisa ku samayn doono.

Hargeysa "Madaxwayne Xukuumadaada Waanu Ka Cabanayanaa" Mahdi Cismaan Buuri

     
Loading...