Wax akhriska

Tuesday June 01, 2021 - 11:00:43
hadhawanaag
Wax akhrisku waa in wax la akhriyo ha ahaadaan waxaasi buug, buug cutubkiis, wargeys, warar, sheeko iyo wixii intaa lamid ah.




Isbadalka ku imaada aadanaha xili walba wax baa udub dhaxaad u ah, kana qaata qeyb mugweyn. Dunidan aynu joogno ummad walba waxay la soo baxaan wax ka cusub ummadihii iyaga ka horeeyay. Anaga hadaynu nahay ummad ku abtirsata diinta Islaamka Nabigeenuna yahay Nabi Muxamed (s.c.w), sida aynu ka dheehaneyno markii Nabi uu ku bilaawday waxyiga, Malakul Jibriil (c.s) Nabi Muxamed (n.n.k.h) waxa uu ku yiri : akhri.

Waxaa meeshaas kabaraneynaa mansabka diinta Islaamka uu ku leeyahay wax akhriska in ay tahay boos aad u sareeya.

Hadaynu nahay Soomaali xaqiiqdii waxaan ka habsaamnay in aan la saaxiibno wax akhriska anagoo booska buuga ku badalanay in aan ????afka ka doodno, xiliyada badankood waxaa dhacda inaan aqoon waxaan ku murmeeno inay jihiin wax dhab ah ama wax qayaali ah. Halka umadaha dunida marka ay doodayaan ay ku doodaan, arimo ku saabsan aqoonta, iyagoo hadalkood ku xoojiya dad iyaga ka horeeyay oo ka hadlay arinta ay goortaasi ka hadlayaan. Maxaa ka macaan badan adigoo ku dhax sugan koox waqti naf sadaada aad ka dhaadhicisay in aad garab fadhidid dad cilmiga kaaga xog ogaal wanaagsan, inkastoo mowduucyada marba marka ka danbeyda la furo aad adiguna ka qaadatid qeyn libaax ah. Aqoon yahanada kuugu dul wareegsan ay dhagta u raaricinayaan hadalka ka soo burqanaya inta u dhaxeyda labadaada bushan, maskaxduna ay ku hoolan tahay xusuusinta qoraaladii aad hore u soo akhriday.

Qofka wax akhriya waxa uu yaqaanaa, nolosha dunida taal waxa ay tahay isagoo awood u leh inuu ogaado wixii hore u dhacay qarniyadii isaga ka horeeyay (sababtoo ah waxa uu ka akhriyay buugta) waxa uu kaga wanaagsan yahay maareynta nolosha dadka aan wax akhrinin, ku darso waxa uu garaadkiisa gaarsiisan yahay in uu saadaaliyo mustaqbalka waxa dhicidoo, in kastoo qadarta ay ka qoran tahay alle (s.c) agtiisa, hadana ogsoonow roob daruur la'aan mada'o.

Qofka la saaxiiba buugta uma baahna saaxiib kale, maxaa yeelay waxa uu buugta ka helayaa, dareen kasta oo uuga baahnaan lahaa qof saaxiibkiisa in uu ka helo. Haday noqoto dhanka macluumaadka, buugta waxa uu ka helaa macluumaad ku dhisan xaqiiqda, waxa uuna kuu sawiraa dhacdada meesha ay ka dhacday qofka geystay dadka loo geystay. Haday noqon laheyd mid farxad ah, buugta qaarkood haddii aad aragtay waxaad si dhab ah u qosleydaa adigoo akhrinaya, meel aad iyo aad kuu xiisa galisay lehna dareen farxadeed. Buugta qaar waxay ku galinayaan dareen cabsi leh, oo waxaad ku dagdageydaa in aad ogaatid hagardaamada meesha ay ka soo uskuntay iyo qofka ka danbeeyay ayadoo sii dheer tahay in aad raadisid dhagar falihii baas noloshiisa meesha ay ku danbeesay.

Haddii aan u eegno dhanka diinta Islaamka wax akhriska: qofwalba waxa uu wanaajin og yahay camalkiisa marka uu sameenayaan hadba inta ay gaarsiisan tahay aqoontiisa xaga cilmiga diinta. Haddii aadan aqoon waajibaadka salaada, sharuudaha saalada, waxyaabaha salaada buriyo, siday salaadaada ku ansaxeydaa adigana aad ku filaneydaa in lagaa akhbalo. Rabbigaada garasho ayaa lagu caabudaa, waxaad aqoon yeelan doontaa marka aad dul istaagtid labada karbad ee uu buuga leeyahay kolkaas aad u gadiso hadba dhinaca ay aqoonta kuu riixeydo, markaasi aad kala soo baxdid hadba inta ay maskaxdaada qaado. Ogsoonow haddii aad akhriska badisid waxaa badanaayo uruurinta ay uruuriso maskaxdaada xogaha ku dul yaal buugta.

#Kulmiye

Abdi Kariim Mohamed

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...