Hadhwanaagtv Boorama (HWN) Allaha u naxariistee waxa tuulada Tuurka ee ka tirsan degmada Lughaya lagu dilay askari ka tirsanaa saldhiga Geerisa ee ciidanka milatariga gobolka Awdal marxuum Saleebaan Cabdilaahi Jaamac Ducaale, sida uu shabakada u xaqiijiyay wariyaha madaxa banaan Mustafe Garbo ee ka hawlagala degmada Garbodadar.
Marxuumka ayaa la dilay aroornimadii hore ee shalay waqti uu hurdayay, waxa falkan dilka ah u gaystay Askari kale oo lagu magacaabay Cabdikariin Axmed Guuleed, kuwaasoo ka wada tirsanaa ciidamada Milatariga Awdal.
Ciidamada milatariga degmada Lughaya ayaa gacanta kusoo dhigay Askarigii dilka gaystay oo baxsaday, waxaana laga soo qabtay deegaano u dhexeeya Beeyo-cadaado iyo Gargaara, isagoo lagu soo xiray saldhiga Booliiska Gargadadar halkaasoo uu xalay ku baryay waxaana isla maanta loo qaaday magalada Hargaysa.
Marxuumka la dilay ayaa maanta Lagu aasay tuulada Tuurka ee ka tirsan degmadaasi Lughaya, mana cada sababta keentay dilkan ay isku gaysteen labada askari oo la sheegay inay kasoo wada jeedaan Beelaha Bariga Burco, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan saraakiisha ciidanka milatariga Awdal oo ka hadashay falkan.
Sikastaba ha noqotee maaha markii ugu horaysay ee uu dhaco fal noocan oo kala ah, waxana muuqata in xukuumada Biixi ay tahli kari wayday wax ka qabashada dilka ay isku gaystaan ciidamada Somaliland oo kusoo badanaya xerooyinka ciidamada Somaliland.