Safaarada Maraykanka Ee Soomaaliya Oo Kornayl Muuse Biixi Ku Canaanatay Cabudhinta Saxaafada Madaxa Banaan

Thursday July 02, 2020 - 21:49:06
Safaarada Maraykanka Ee Soomaaliya Oo Kornayl Muuse Biixi Ku Canaanatay Cabudhinta Saxaafada Madaxa Banaan


Hargeysa(HWN):-Dawlada Maraykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada xoriyatul qawlka iyo madax banaanida saxaafada somaliland.



Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada waxay ku soo bandhigtay sida ay uga warwarsan tahay xaalada ay wajahayso saxaafadu iyo heerka uu marayo xoriyatul qawlkii somaliland ka jiray.


Safaarada Maraykanka ee Muqdisho ayaa qoraalkeeda ku tidhi "Mareykanka wuxuu mar kale ku celinayaa sida ay uga go'an tahay difaaca xorriyadda saxaafadda, Waxaanan cambaareyneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubyada loo geysto suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah ee somaliland.”


Qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanka ee Muqdisho ayaa fariin loogu diray Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ka talisa somaliland "Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiyaha soamliland inuu qadarin, ilaalin u muujiyo xuquuqda xoriyatul qawlka.”


Dhawaaqa dawlada Maraykanka ayaa ku soo beegmaya wakhti ay xukuumada somaliland cadaadiskii ugu weynaa ku hayso warbaahinta madaxa banaan iyo dadka shacabka ah ee soo bandhiga fikirkooda isla markaana ay xayiraado saaran yihiin shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, telefishanka Universal iyo telefishanka Star.

Maraykanka oo Shaaciyey inuu Kordhinayo Taageeradda uu Siiyo ...

     
Loading...