oo loo maraayo in su’aallo
badan la iska weydiiyo wixii jira si gunteeda loo gaadho. Haddaba ragga xagga
hoose aynu ku sheegi doonaa waa kuwii ku talaxtegay una go’ay raadinta nolosha
xaqiiqadeeda, iyaga oo baalmaray jiritaanka Alle (SCWT). Aakhirkiinna markii ay
nolosha gunteedii gaadhi waayeen ayey iskood isku khaarajiyeen. Caqliga Ilaahay
ku siiyey haddaad ku garan weydo, nolosha ayaa khakhal kaa galaysa. Qoraaga
Wesley Smith buugiisa (The Suicide Philosophers) ayaa waxoogga kaga hadlay
naftood haligaashan.
= Robert F. Ardigo oo u dhashay dalka Talyaaniga oo ahaa Faylasuuf noolaana 1828 ilaa 1920, ayaa qudha iska jaray markii uu fahmi waayey siday u shaqayo figrada bini’aadamku. Isaga oo ay da’diisu marayso 92 sanno.
=
Carlo Ludwig oo u dhashay dalka Faransiiska oo ahaa Faylasuuf noolaana 1870 ilaa 1950, ayaa isna naftiisa
gaajo ku diley, markii uu fahmi waayey waxa ay la micno tahay noloshiisu. Wuxuu
ku wareeray sidii uu adduunku u yimid iyo wuxuu ku dambayn doono. Isaga oo
aakhrikii tegay meel cidlo ah oo cuntadii ka soomay. Sidaasina ku bakhtiyey.
= Johan Robeck oo u dhashay dalka Iswiidhan, hasayeeshee dhalashada Jarmalka qaatay. Wuxuu noolaa 1672 ilaa 1739. Wuxuu aaminsanaa haddii uu qofku xaqiiqada ka gungaadhi waayo, markuu su’aallo isweydiiyo waa inuu gacantiisa isku sadqeeyo. Tii ayuu naftiisa kaga dhabbeeyey. Waxaanu isku tuuray webiga Bremen dalka Jarmalka, markii uu jawaabo u heli waayey wixii uu raadinaayey.
= Felice Plato oo ka mid ahaa Faylasuufiyiintii Giriigu ku daba-tukan jiray ayaa goob cidla ah intuu dab shiday ayuu muddo dhawr saacadood ah dabku siduu u ololayo su’aallo iska weydiiyey. Markii dambe isaga oo qaylinaaya ayuu dabkii isku tuuray. Wuxuu noolaa 1781 ilaa 1851.
=
Socrates oo u dhashay dalka Giriiga, noolaana 470---399 BC, ayaa wareer ka
qaaday siday mowjadaha badduhu 20 jeer maalin keliya isu beddelaan. Markuu in
muddo ah fikirayey ayuu fahmi waayey siday u shaqaynayaan, markaasuu sun cabbay
sidaasi ayuu ku god galay.
=
Freidrigh oo ka soo jeeday dalka Jarmalka ayaa maryaha dhigtay oo waashay
markay maskaxdiisa ka dhaadhici weyday kala duwanaashaha Aadamaha iyo
xawayaanku.
=
George Nicos oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa in badan raadinteeda keymaha u
galay siduu nooluhu u samaysan yahay iyo dhimashada ka dib wuxuu ku dambaynayo.
Habeenno badan isaga oo kaymaha u hoyda ayuu markii dambe bastoolad madaxa
isaga dhuftay. Waxaanu ka tegay waraaq uu ku sheegay sababta dhimashadiisa oo
uu ku sheegay inuu adduunka macno la’aan uu u yimid. Wuxuu noolaa 1890 ilaa 1972.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!