Puntland Oo Sheegtay In La Xaliyay Xiisad Ka Dhalatay Suuq La Xidhay
asiirka Wasaarradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda maamul gobolleedka Puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa warbaahinta u sheegay in ay isku afgarteen ganacsatada in ay u guraan suuq cusub oo uu maamulku ugu talagalay.
‘’Warar been abuur ah ayaa suuqa la galiyay, dadkii ayaa la qalday oo been loo sheegay, ganacsatada suuqan ayaan u diyaarinay, kulamo ayaan yeelanay waanan isku afgaranay in ay u guuraan suuqan cusub’’ ayuu yiri Wasiirka.
Wuxuu sheegay Wasiirka in marnaba dowlad gobolleedka Puntland dayicin ganacsatada Kulluunka, isaga oo intaa ku daray in kulamo is daba joog ah oo ay yeesheen ugu danbeyntii leysku afgartay in loo guuro Suuqa cusub.
Wasiirka ayaa balanqaaday in marka laga soo tago Suuqa hadda sida Ku-meel-gaarka ah loogu wareejiyay ganacsatada maamulku ku howlan yahay dhismaha Suuq cusub oo si rasmi ah ganacsatadan loogu wareejin doono.
Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa ka taagnaa magaalada Boosaaso xiisad iyo dibadbax-yo ka dhashay amar maamulka uu ku xiray Suuqii Kalluunka ee marsada Boosaaso, arintaa oo siweyn ay uga hor yimaadeen ganacsatada.
Foore