Shaqo La'aanta Haysata Dhalinyarada Somaliland.
Maqaalkan koobaan waxa aynu ka qaadaa dhigi doonnaa waxyaabaha keenay shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Somaliland iyo saameynta ay ku yeelanayso iyo waliba sida looga bixi karo mushkiladan, inaga oo maqaalkan dhexdiisa kaga jawaabi doonna su’aalo maanga bulshadeena mashquuliyey sida dalkeena ma shaqo yari baa ka jirta mise shaqaale la’aan?
Dhalinyarada Somaliland ayaa ka cabanaya shaqo yari soo wajahda, gaar ahaan marka ay jaamacadaha soo dhammeeyaan, qiyaas ay samaysay wasaarada qorshaynta ayaa lagu ogaaday in 85% dhalinyaradu ay shaqo la’aan yihiin.
Ajaanibta ku nool Somaliland oo 20 kun gaaraya, ayaa qabta shaqooyin inta badan dhalinyaradu ka faanaan ama aanay u lahayn khibrad.
Waa maxay shaqo la’aantu
Shaqo la’aantu waa helid la’aanta fursad shaqo uu heli waayo qof shaqayn Kara hadan raba oo raadinaya. Qeexidaas waxaynu ka qaadanaynaa in qof walba oo aan shaqo haynin inuusan shaqo la’aan ahayn, sida ardayda, hawlgabka iyo dadka aan jidh ahaan iyo maskax ahaanba dhamaystirnayn iyo xitaa qofka aan la iman dadaal lagu heli karo shaqo.
Noocyada shaqo la’aanta
Shaqo la’aantu waxay ku iman kartaa afar sababood midkood hadaynu dhinaca kalana ka istaagnana shaqo waayuhu afartaa sababood midkood ayuu ku waayi karaa shaqo.
1. Shaqo waaye xilliyeed: waxa uu shaqo la’aan noqdaa xilliyada xilli ka mid ah oo ayna shaqadiisu munaasib ku aheyn.Tusaale ahaan qofka xilliga qaboobaha iibiya dharka dhaxanta celiya marka uu xilliga kulayluhu soo galo waxa soo wajahaysa shaqo yari amaba se shaqo la’aan.
2. Shaqo waaye dhaqdhaqaaq suuqeed: waa shaqo la’aanta uu keeno isbeddelka dhaqaale tusaale ahaan marka uu dhaqaalaha hoos u dhac ku yimaado, shirkadahana wax soo saarkooda ayaa hoos u dhaca, hadii uu wax soo saarkoodiina hoos u dhacay waxa sidoo kala hoos u dhacaysa faa’idadoodii, hadaba hoos u dhacaa ku yimid faa’idadoodii waxay ku kalifaysaa in shaqaalahoodii ay dhimaan. Dadkaas shaqada ku waayay xaaladaas ayaa loo bixiyey shaqo waaye dhaqdhaqaaq suuqeed.
3. Shaqo waaye dib u qaabayn xirfadeed: waa shaqo la’aanta shaqo waayaha ku dhacda marka uu xirfad uu hore ugu shaqaysan jirey laga guuro taas oo ay sababtay hore-umar xaga technolajiyada laga sameeyey awgeed sidaas Na uu ku noqday mid aan xirfadiisa loo baahnayn. Hadaba waxa uu shaqo uu dib ugu heli karaa qofka ay taas oo kale ku dhacdo in uu dib uqaabayn ku sameeyo xirfadiisa oo uu barto xirfadaha cusub ee suuqa looga baahanyahay
4. Shaqo la’aan dabiici ah: waxay culimadda dhaqaaluhu sheegaan in shaqo la’aanta aan marnaba laga dhigi Karin zero oo ay marwalba bulshada dhexdeeda shaqo la’aantu ka jirayso laakiin marka shaqo abuur buuxa la gaadho (full employment) ay kaliya jirto nooca shaqo la’aanta ee uu shaqo waayuhu uu iskii u doorto.
Door intee le’eg ayay shaqadu ka qaadataa hore-umarka bulshada
Shaqadu waa sharaf qofka bini aadamka ah waxay u tahay heybad iyo karaamo, shaqaday doonto ha ahaato marka laga reebo shaqooyinka islaamka dhexdiisa xaaranta ka ah. shaqadu waxay ka nadiifisaa bulshada dhamaan shaqo la’aanta Hadii lagu kala duwan yahay shaqooyinka ceeb ma aha oo qof walba waxa uu ku shaqaystaa waxa uu aqoonta uleeyahay laakiin sax maaha in laysku liido shaqooyinka qaar sida xammaalka ama biro garaaca, waayo rusushii la soo diray qaarbaa ka soo shaqeeyay qaarna waxay ahaayeen nijaar qaarkalana tujaar bay ahaayeen qaarna adhi bay soo raaci jireen waxa xusid mudan si loo helo hore-umar in aan la isku liidin shaqada.
Hadaba iyadooy sida tahay dalkena manta waxa ka taagan dhibaato shaqo la,aaneed oo ragaadisay hamiga dhalinyaro badan oo jamacadaha kasoo baxaysa sanad kasta. Sidaa la’ajiligeed waxaynu kusoo qaadan doonaa ah mushkilada shaqo la,aanta. Maxaa keenay? Sidee looga bixi karaa shaqo la,aanta? Inagoo midkasta si qoto dheer ugu faah faahin doono.
QAYBTA
1AAD:SHAQO LA’AANTA MAXA KEENAY?
Been ma aha hadaan ku idhaahdo camal la’aantu wa
dhibaato dunida oo dhan kajirta oo wada saamaysay balse heerka shaqo la’aantu
uun uu ku kala badanyahay wadamada dunida, hadii aynu inyar dib ugu noqono
kacdoonadii kadhacay wadamada carabta sanadihii inasoo dhaafay afka qalaadna
loo yaqaan (Arab spring) ama gugii carabta, waxa ugu wayn ee uu ka kacay waxay
ahayd shaqo la’aanta dhalinyarada oo aad ubadatay wadamadaas.
Hadaba marka aad Somaliland daristo shaqo
la’aantu waxay maraysaa heerkii ugu saraysay abid 85% taasoo ka dhigan in afar
meeloodow saddex meelood dadka Somaliland ku nooli aanay wax shaqo ah hayn
nolol maalmeedkoodana aanay kafayn Karin, taasoo keentay in dhalinyaradii
lafdhabartii wadanka ahayd ay hadhcad tahriibaan oo ay mawjadaha badda iyo
saxaraha weheshadaan gaajo, haraad iyo walibana jidhdil ay ugaystaan
calooshooda ushaqaysayaal lagu magacaabo magafayaal, dhinaca kale waalidkii soo
tarbiyadeeyay ee kusoo tabcay ee sugayay inay nasiyaan ayaa marka lasoo sheego
in inankoodi/inantoodi tahriibeen ay kunoqotaa naxdin iyo werwer taasoo mararka
qaarna keenta caafimaad daro lasoo darista hooyada dhashay inankaasi/inantaasi
tahriibtay.
Hadaba iyadooy xaaladu sidaa tahay ayaad
arkaysaa in aan si hufan loogu hawlgalin sidii wax looga qaban lahaa shaqo
la’aanta dhalinyarada, balse layidhahdaa dhaqaalaheenaa yar oo waxba kama qaban
karaynu, waxaynu nahay dal yar oo curdina oo aan la aqoonsanayn marka awood
malihin aan wax kaga qabano, lakin aan idin waydiiyee Taiwan miyaa la aqoonsan
yahay?
Sinagapore miyaa la aqoonsan yahay?Jawaabtu waa
maya haddana waxay dhisteen dhaqaale ay kula tartamayaan manta wadamada Europe
arintuna dhaqaale badan oo aad haysato iyo aqoonsi kuma xidhnee waxay ku
xidhantahay sidaad wax u maamulato
Hadaba waxa iswaydiin leh dhibaatadanshaqo
la’aanta maxa keenay?Maxaa se wax looga qaban waayay? Maxay xukuumadu ay
talaabo cad uga qaadi wayday si loo yareeyo shaqo la’aanta dhalinyarada ulana
iman wayday qorshe cad oo ku wajahan shaqo la’aanta dhalinyarada?
Waloow aynan halkan kusoo koobi Karin sababaha
keenay shaqo la,aanta hadana waxaan soo qaadan doonnaa dhowrkan qodob oo aan
isleeyahay waa kuwa ugu muhiimsan.
1.Nidaamka waxbarasho ee jaamacadaha wadanka oo aan inta
badan ku salaysnayn baahida wadanka taala
Tusaale ahaan wadamada horumaray waxa lasameeyaa waxa loo
yaqaan qorshaynta shaqaale waynaha qaranka ama (National Human Resource
Planning) taasoo lasoo saaro muxu shaqaale wadanku haystaa?Se maxa shaqaale loo
baahanyahay sanadka soo socda? Imisa Dr? Imisa Eng? Imisa dhaqaaliyahan?Imisa
xisaabiye?Imisa farsamo yaqaan? Iwm.Sidoo kale waxa la qiimeeyaa kuliyadaha uu
wadanku ubaahanyahay ee fursado shaqo laga heli karo iyagoo marwalba qiimaynaya
baahida shaqo ee wadanka taalaa maxay tahay?Se maxa wadanku ubaahanyahy?tusaale
ahaan hadii uu wadanku xeeb ku yaalo waa in ardayda labaraa Marine Engineering
ama xirfada kaluumaysiga aad loo xoojiyaa.
Dabeeto waxa lafaraa jamacadaha inay soo saaraan
tirada baahida aqoonyahan ee wadanka ka jirta.Laakiin Somaliland majiro
nidaamkani lagu qiimeeyo maxa loo baahan yahay inay jaamacaduhu dhigaan?Maxay
tahay baahida wadanka taalaa?
2.Dadkena oo aan waxba soo saaran 85% waxyaabaha quutal
daruuriga ee aan quudanaa waxay inooga yimadaan dibada tusaale ahaan waxaynu
quudanaa bariis iyo basto mana beerano ee dibada ayay inoga yimaadaan dibada,
sanadkii 2012 ayay wasaaradena beeruhu iclaamisay in bariisku uu kabixi wadanka
taasoo walibana la tijaabiyay oo lagu guulaystay hadana ilaa hada mahayno oo
maynaan aragbariis Somaliland kabaxay oo suuqyada soo galay,maxa dhacay?
Maxaynu ubeeran waynay? Maxay ganacsatada bariiska soo dejisaa ay Kan dalka
laga beeray umaal gashan wayday? Tolow ma ka dibada laga keenaa ka aad beerato
ka macaash badan? Jawaabtu waa maya ee kanaaba ka kharash yar ka cashuur yar
gaadiid iyo socdaal dibadeena aanu ku baxayn.
Tolow hadaa muu ka tayo yaryahay?Maya ee sida ay
sheegeen khubarada culuumta beeruhu shaygaaad beerataa ka aad soo dhoofsato oo
aad waxkaste ka filan karto, hadabaa maxaa khaldan ma waxaynu awodi waynay
inaynu bariiska aynu cuno oo kaliya xitaa lasoo baxno?
Dhinaca kale bal ila eeg akhriste tirada ardayda
iskuulada Jamhuuriyada Somaliland ee primary iyo secondary waa 400,000 oo arday
kuwaas oo sanad kaste ubaahan dirays ama balcad hadaba hadii halka dirays ee
shaadh iyo surwaal yahay $18 waxaad ku dhufataa 400,000 waxay soo baxaysaa
lacag dhan 7200,000 todoba milyan iyo laba boqol oo kun oo US dollar ah, waa
lacagta sanadkii ardaydena kaga baxda dirays.
bal hadaba hadii aan samaysano sharikad
farsamaysa dharka qalabka shirkada iyo dhamaan inputkeeda waxaad tidhaahdaa waa
$3 million, waxa aan ka shaqaalaysiinay 3000 oo dhalinyarta Somaliland ee
jaamacadaha kasoo baxday ah hadii aan midkiiba mushaharka bishii lasiinayaa
yahay $300 markad kudhufato waxay soo baxaysaa $900,000 markad xisaabtii hore
ugaysana waxa weeye $3,900,000.
Hadaba markad eegto shirkada ugu weyn ee dharka
samaysa wadanka hindiya waxaa lagu maal galiyay lacag dhan $8 million.
Xisaabtan kuma jiraan dirayska ciidamada iyo
dharka caadiga ah ee dadwaynaha oo iyana ku xisaabtankooda leh.
Waxa laga yaabaa inaad leedahay oo xagee lacagta
intaa leeg laga keenayaa? Taas jawaabteedu waxa weeye bulshada hadii uu
hogaankeedu yahay mid ka daacad ah horumarka dalkiisa aragti dheer iyo hiigsi
fogna leh shacbiguna uu yahy mid gacmaha ishaysta hal warshad baynu ka
hadlaynaaye 100 warshadood baynu samaysan kari lahayn laakiin aaway caqligii
inagu hogaamin lahaa?
Waa takale e sanadkii 2012kii markii ay abaaruhu
iyo gaajadu ka dhacday wadankan aynu jaarka nahay ee Somalia wiigag gudahood
ayaa loogu ururiyay lacag dhan dhowr milyan, hadaba iswaydii lacagahaas yaa
bixiyay?Miyanay dadwaynuhu iska ururin?
Sidoo kale hadad eegto wadadan uu hadda dhismaheedu
ka socdo gobolka sanaag waxa ku baxaya boqolaal milyan oo dollar ilaa hadana
caawimo dibadeed lama sheegin waxa lacagta bixinayana waa shacabka oo isku
tashaday lakiin uu horkacayo hogaanki qaranku.
Dhinaca kale diiwaan galintan madaniga ah ee ay
hadda dowladu wado waxa ku baxaysa lacag dhan $4 million oo dollar sida uu
wasiirku sheegayna deeq bixiyayaashu waxba kumay darsan ee xukuumada ayaa
jeebadeeda ka bixisay hadaba bal iswaydii xagay katimi lacagtani?
Sow cashuurtii dadka laga qaaday uun maaha sidaa
daraadeed wax waa la qabsan karaa shaqo la,aantana waa laga bixi karaa laakiin
waa hadii ay xukuumadu garato.
3.Shaqaalaha ajnabiga ah ee ka shaqaysta dalka: Akhriste markaad eegto xafiisyada kala duwan ee
hayadaha caalamiga ah, jaamacadaha, wasaaradaha, iyo sharikadaha ganacsiga
dalka waxa ka shaqeeya shaqaale ajnabi ah oo haya shaqo ay ardayda jaamacadaha
kasoo baxaysaa qaban kakri lahaayeen, wadamada dunidana muwaadinku isagaa leh
mudnaanta 1aad fursadaha shaqo ee dalka ka jira oo dhan laakiin wadankeena
waxaad moodaa inay dadkenu aaminsan yihiin in ajnabigu uu ka aqoon iyo karti
badan yahay kan muwaadinka ah iyagoo mararka qaarna kuugu faanayaba iyagoo ku
odhonaya "waxa noo shaqeeya khubaro caalami ah” balse ay jiraan muwaadiniin ka
aqoon iyo karti badan ajnabiga qaban karana shaqo kasta oo uu qaban karo
ajnabigu.
Maalin maalmaha kamida oo aan salaad hore
kalahay ayaan booqday goob dhsime kasocdo, dhismaha waxaa gacanta ku hayay koox
/shirkad masaari ah,magaranayo ma shirkad dhismaha mashruucaa
fulisaa dalka laga waayay? Kooxdaas masaari ah tiradooda ugu yaraan afartan
waan ku qiyaasay hadaanay ka badnaynba, shaqaalaha meeshaas joogayna waxay
ubadnaayeen ajnabi isugu jiray Masaari, Oromo iyo Xabashi, waxaana kujiray tiro
yar oo Somali ah oo werwerka ka muuqda aad aad uga naxaysid.
Waxaan soo dhex istaagay safka oo uu markaas
galinayay ninka masaariga ahi shaqaalaha si inta loo xaadiriyo ay shaqada
ugalaan Ninkaas masaariga ahi sida uu ula dhaqmayay
shaqaalaha muwaadininta ah waxad modaysaa taliye xabsi oo la tacaalaya
maxaabiis, hadalada uu isticmaalayay ee ay dhagahaygu maqlayeen waxa kamida
ahaa "ximaar soomaali, mutakhalif, maa ish yufakir” taasoo ay udheertahay
hanjabaada iyo cago juglaynta uu ninkaas ajnabiga kula kacayay shaqaalaha.
Waan yaabay waxaan uqaatay inaan qaahira joogo
waayo waligay ma arag wadan uu qof ajnabi ahi gumaysi iyo tacaddi kuhayo qof
muwaadin ah oo dhulkiisii jooga, Laakiin maya meesha waxani ay ka dhacayaan waa
hargaysa caasimada Somaliland ee cidna uma maqna ceelna uma qodna muwaadinkaas
isagoo ciidiisii jooga uu ajnabigu tacadiga maalinlaha ah ugaysanayo, ILAAHAY
ayuu leeyahay.
4.Isla waynida shaqo ee dhalinyarada:Hadad ufiirsato
dhalinteena midkastaa wuxuu doonayaa xafiis sare, kursi wareegaya ama title
sare, taasina waa riyo aan wada suuroobayn.
Ogow akhriste noloshu waa talaabooyin taxane ah
oo is daba yaala taasoo ay tahay inad midkasta kasoo talaabsato, labana waxa ka
horaysa hal, sidoo kalena guusha waxa ka horaysa waxa ka horaysa guuldaro wax
walibana xaga hoose ayay kasoo bilaabmaan mana jiro aduunyada isagoon dhib usoo
marin madaxweyne ama maal qabeen wayn iska noqday marrka laga reebo mid dhaxal ahaan uhelay.
Hadaba hadii aan tusaale usoo qaadano qaar
kamida hogaamiyayaashii dunida ka caan baxay waa madaxweynihii hore ee wadanka
Prazil Lula Da Silva, waxa uu ahaa shaqaale hoosaad nolosha kasoo bilaabay heer
aad uhooseeya oo uu ahaa baalashle, waxa uu ku noolaa guri qolyar ah oo aan
reerkooda ku filnayn oo cidhiidhi ku ahaa, waxbarashada markuu fasalka 6aad marayay
ama (grade six) ayay hooyadii ka bixin kari wayday fiigii sikuulka , dabeeto
waa uu iskaga tagay, kadib waxa uu galay suuqa taasoo uu xirfadiisa
baalashlenimo kaga shaqaysan jiray shaaricyada waawayn ee magaalada Sawapalo,
haddana dadaal iyo halgan dheer kadib wuxuu ku guulaystay inuu noqdo
madaxwaynaha wadankiisa Brazil, walibana muddo laba jeer ah shacabkiisu
doortaan.
Dhinaca kale hadaad eegto diinteena islaamku
waxay ina faraysaa in qofku uu shaqaysto oo uu gacantiisa kulasoo baxo risiq uu
waddo xalaala umaray waxanay ino diiday qofka oo ku tiirsanaada su,aasha dadka
waxana Nabigeena lagasoo wariyay N.N.K.H inu yidhi "Midkiin inu dhabarkiisa
kusoo xaabaysto ayaa uga khayr badan inuu dadka wax waydiisto oo lasiiyo ama
loo diido”.
Hadaba markad xadiiskan ku dabaqdo waaqica
nolosheena manta waxad arkaysaa dhalinyaro badan oo shaqo la,a haddana hadii
lasiiyo shaqo uu kumeel gaadho ku jawaaba tusaale ahaan ( ma anigaa waiter
noqda? Anoo jaamacad kasoo baxay? Oo intaasoo dhan maxaan wax usoo baranayay
hadaan waiter ku danbaynayo? Maya maya haka yaabin iyo hadalo lamida) Hadaba
waxa xusid mudan iyagoo taas badalkeeda su,aal iyo shaxaad ku shaqaysta oo
dhididka qaykood ku dul noolaada halka uu ka dayacay shaqo laga yaabee uu kaga
kaaftoomi lahaa su,aasha dadka oo ay dadkenu shaxaad u yaqaanaan.
5.Noloshii baadiyaha oo gabi ahaanba meesha ka sii
baxaysa :
Sida aynu wada ognahay lafdhabarka dhaqaalaha
Somaliland wuxu ahaa xoolaha nool balse baryahan dambe waxaad moodaa in taasi
ay ka sii baxayso xoolihii waxay khaati ka taaganyihiin dad daaqii ay quudan
lahayeen seero waawayn oo aan waliba waxba ka beerayn , sidoo kalena dadkii
kadib markay waayeen biyo,adeeg caafimaad iyo gabi ahaanba baahiyaha asaasiga
ah ee nolasha waxay ku ka leftay in ay kasoo qaxaan oo ay magaalooyinka soo
camiraan, markay magaalada soo galaana inankii miyiga ka yimid majirto xirfad
ama aqoon uu yaqaano oo uu ku shaqaysto aan ka ahayn dhaqida xoolaha.
Dabeeto waxay keentaa inuu wayaba fursad
shaqo,markaauu shaqo la,aan magaalada iska warwareego iyadoo aakhirkana keenta
falal danbiyeedyada dhaca ah ee baryahan danbe magaalooyinka Somaliland.
W/Q: Mubarik Muse Mohamed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!