Shaqo La'aanta Haysata Dhalinyarada Somaliland. Qaybtii 2aad

0
Sunday December 20, 2020 - 11:06:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqo La'aanta Haysata Dhalinyarada Somaliland. Qaybtii 2aad

    QAYBTA: 2AADSIDEE WAX LOOGA QABAN KARAA SHAQO LA'AANTA DHALINYARADA?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QAYBTA: 2AADSIDEE WAX LOOGA QABAN KARAA SHAQO LA'AANTA DHALINYARADA?

Waxyaabaha aan ku yarayn karno shaqo la’aanta waxa kamida:



1)Dowladda oo dhiiri galisa waxsoo saarka wadanka iyo sidii dadku iskii wax ulasoo bixi lahaa dhinacyada kala duwan ee kaluumaysiga, beeraha, wershadaha ganacsiga, iyo dhamaanba maalgashiga dalka gudo iyo dibadba.


2) Dadka hawlgabka ee dowlada ka shaqeeya dowlada oo lagu badalo dhalinyaro maskaxdodu fresh tahy iyo dadkaas hawlgabka ahna loo samaynayo qorshaha hawlgabka ama waxa afka qalaad loo yaqaano (retirement plan).


3) Dhalinyarada oo laftoodu iska kaashada sidii ay usamaysan lahaayeen sharikado yaryar oo iyagu leeyihiin, xasuusnow 1+1=2, dhagax + dhagax loo geeyayna wa dhisme gacan+gacan loo geeyayna waa xoog, midnimo iyo wadojir ayun bay laba gacmood waxku qaban karaan.


4) Baananka islaamiga ah oo la hirgaliyo.
5) Ganacsatada oo dalkooda maalgashada kana waantooba soo dajinta badeecado dalka lagu farsamayn karo, waayo tani waxay fursad shaqo u abuuraysaa dhalinyaro badan sidoo kalena waxay kor uqaadaysaa dhaqaalaha wadanka.


6) Dugsiyada xirfadaha gacanta oo la hirgaliyo:


Sideedaba qofku haduu leeyahay xirfad ama farsamo uu ku shaqaysto waxa la yidhahdaa qofkaasi ma gaajoodo lakiin dalkeena waxad arkaysaa dhalinyaro badan oo jamacadaha ka baxay haddana aan lahayn xirfad ay ku shaqaystaan markaas waa in la sameeyaa dugsiyada xirfadaha gacanta ama dugsiga sare ardayda lagu baraa farsamada gacanta si uu qofku isagoo aqoontiisii jaamacadeed wata hadii uu shaqo ku waayo uu noloshiisa ku dabooli karo xirafadan gacanta ee uu bartay markaas aanu marnaba qofki shaqo la,aan ku dhicin.


7)  Internship Program oo la hirgaliyo kaasoo ufududaynaya ardayda in marka uu jamacada kasoo qalinjabiyo uu ugu yaraan laba sanno ama sannad shaqada dowlada bilaabo tabaruc ahaan, taasoo labadaa sanno ama sanadkaa uu qofka dhalinyarta ahi fursad u helayo inu si fiican ula qabsado goobta shaqada, waayo aragnimo ku filana ka qaato cilmigan uu doonayo inu ku shaqaysto sida loogu shaqeeyo.


8) Shaqaalha ajnabiga ah oo laga mamnuuco shaqo kasto oo uu muwaadin qaban karo:Sida uu xeerka shaqada iyo shaqaalaha Somaliland sheegayo shaqo kasta oo uu qof muwaadin ahi qaban karayo looma ogola in lasiiyo ajnabi, talaabadan waxa hore uqaaday wasiirkii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Wasiir Ilhaan marki ay xilka wasaaradaas haysay laakiin wixii ka danbeeyay sidii loo baahnaa uma hirgalin marka waa tallaabadaa wasiir ilhaan oo runtii kudayasho mudnaa go,aan geesinimo lehna ahaa dib loo hirgaliyaa, gaar ahaan wasaarada shaqada iyo arimaha bulshadu.


9) Xisbiyada mucaadidka ah: Iyadoo ay xisbiyada mucaaridka ahi marwalba barnaamijkooda ololaha ku galaan dhalinyaradaan wax u qabanaynaa hala yimaadeen qorshe cad oo ku wajahan dhalinyarada.


10)Ugu danbayna tooshka halagu ifiyo qolka madaw:


Dalka Somaliland manta wuxu ubaahanyahay in dhaqaale xoogle ladhiso, wuxu ubaahanyahay in sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarta jaamacadaha kasoo baxaysa laga fikiro, dhibaatada ugu way ee maanta qarankan hor taaganina kadib midnimada qaranka waa dhalinyarada jaamacadaha kasoo baxaysa ee shaqa la’aantu saamaysay, laakiin waxad mooda xukuumada oo xaqiiqatan wax qabatay haddana hadan waxqabadka lagu jihayn meesha ugu baahida badan waa uun khasaare maal iyo maskaxba leh.


Waayo halkay ahyd in manpowerka dalka ladhiso hadii uun dhismayaal lagu mashquulo waxaan ku tilmaami karnaa uun Nin leh guri laba qol ah, mid kamida ay ugu xidhantahy laambad uu ifsado habenki ka kalena uu yahay qol madaw oo aanay waxba ku xidhnayn, hal tooshna haysta dabeetana halkiisaa toosh habeenkii ku isticmaala qolka ay laambadu ugu xidhan tahy halkay ahyd inu ku ifsado qolka madaw.


SHAQADA M A AQOONAYAA  LAGU HELA MISE KARTI

Marka aynu ka hadlayno shaqo 80% waxa lagu helaa aqoon halka 20% ay tahay karti, hadii aynu eegno hada iyo tii waagii hore ma jiro wax farqi ah oo u dhexeeya waayo qofna kamashaqeeyo oo ma qabto wax aanu aqoon ulahayn ama aanu garanayn, Aqoontu waa u adeegida nolosha waxaad halkaas ka dhadhansan karataa in waxa lagu shaqeeyo tahay aqoon iyo caqli balse kartidana kama madhna oo waa tiirka labaadee shaqada sida ka muuqata (suuratu qasas) ayaa 25, 26


Marka ay kala Bataan aqoonta iyo kartidu waxay noqonaysaa oo kaliya inaad afka ka maamusho oo aadna la iman wax dhaqdhaqaaqa balse marka ay is la socdaan aqoon iyo karti waa ta ugu muhiimsan oo waxa soo baxa waxa loo yaqaan shaqo.Shaqadu waxa kale oo aanay ka maarmin waa khibrad lagu maamulo oo lagu lafa guro


INAAD SHAQO HESHAA MA WAXAA KU XIDHANTAHAY DAWLAD MISE ADIGA

Masuuliyada ugu weyn amaba ugu mudan ee laga sugayo inay shaqo abuurtaa waa xukuumada, hadaba masuuliyadaas xukuumaddu waa ay garan weyday. Sidoo kale maanta waxa ka baxay is aamin sananta ama kalsoonidii uu qofku shaqo ku abuuran lahaa, xagay ahayd inuu masuuliyada isaga laftiisu qaado oo uu isagu shaqo abuurto ama hoosta ka soo bilaabo ayuu masuuliyada iyo eedda oo dhan dawlada dhakada ka saarayaa wakhtigiina iskagaga luminayaa dhaleecaynta iyo canbaaraynta dawladda.


Taa waxa sii dheer inta dhallinyaro ah ee maanta shaqo nacaybku hayo dad badan ayaa jira oo aanay shaqo la’aani hayn balse shaqo nacayb hayo, kuwaas oo saamayn taban ku yeeshay qaybo badan oo bulshada ka mid ah islamarkaana keenay in shaqo nacaybku gaadhay heer uu kor udhaafayba shaqo la’aanta waxa kale oo jira dhallinyaro badan oo iyagu dadaal la’aan iyo karti la’aan isku bahaysteen ku waasi oo nafahooga ka dhaadhiciyay  in ay si nasiib  aha ama hadiyad ahaan u helaan shaqo sare iyo mushahar shilis oo aanay dhib iyo rafaad midna u soo mudanin (nimaan shaqaysan shaah ma cabo)sidee ayaynu u liqi karnaa nin toban kun oo doller ku tahriibay  oo uu sababta uu waddankiisa uga cararayna ay tahay dhaqaale la’aan. Iswaydii maanta dalka intee ayay ka goyn kartaa lacagtaasi? Halkaa waxaynu ka qiyaasi kar naa in farsamo xumo jirto iyo fikrado beena o laga aaminay wadankii iyo shaqooyinkiisiiba.


Qofka haysta tobanka kun ee dollar ee ku tahriibay hadii uu dhaqaalahaas fikrad fiican oo uu ku shaqaysto raadinlahaa runti wuu heli lahaa, waxaanu noqon lahaa dadka ugu mushaharka fiican dalkaba helitaanka shaqada waxa ka horeeya hagaajinta nafta hadii aynu nafteena u qaabayn wayno shaqada isla markaana u diyaarin wayno "ogow cirku roob dahab ah daruurayn maayo”nin kastoo maanta ku jira hantiilayaasha dalka waxa hubaal ah inuu soo maray halgan dheer iyo habeeno qadhaadh kuwaas oo udhalay midhaha macaan ee maanta uu guranaayo.


Ma jiro hal qof oo nolosha heer ka gaadhay oo aan halgan adag soo Marin. Hadaba hadii aad sida dhallinyaro badan samayso waxa ay dadka kale sameeyan ee ah wakhti lumiska iyo niyad jabka degdeg ah waxaad helaysaa uun waxa ay dadka kale helaan ee horumar la’aanta ah.Runtu waa inaad samayso wax ka duwan waxa ay dadka kale sameeyaan si aad u hesho natiijo ka duwan ta dadka kale heleen.


SIDEE SHAQO LOO ABUURI KARAA

Fursadaha shaqo lagu abuuri karaa waa ay badan yihiin balse inta la hirgaliyo ama la dhaqaajiyaa waa ay yaryihiin marka wadankeena laga hadlayo, sababtoo ah waxa jira caqabado badan oo kaa hor imanaya kolkaad shaqo bilaw istidhaahdo caqabadahaas waxa ka mid ah dhaqaale la’aan, iibyaraan oo kugu timaada iyo dadka oo ku niyad jabiya oo aan ku soo dhawayn marnaba.


MARKA SHAQO LA ABUURAYO WAA IN FIKIRO  QODOB SOOSOCDA

ü Maxaa suuqa looga baahan yahay.

ü awooda wax iibsasho ee dalku ma saraysaa adna ma faa’idaysaa ”purchasing power”

ü helida dhaqaale aad ku bilowdo "initial capital”

ü suuq gaynta "marketing”

Tusaale ahaan( maahirshoes production) oo ah shirkad yar oo wadanka ku Taal gudihiisa taas oo uu aasaasay wiil yar oo dhalinyaro ah oo magiciisa la yidhaahdo Sakariye Khaalid Abdi Raxmaan.Sakariye waxa uu hawshan uu ku bilaabay 3000 oo slshilin ah oo nususaacihiisa ah waad dareemi kartaa maanta lacagtaasi waxay goyn karto ama ay qaban karto,

Hadaba adiga maxaa kuu diiday inaad shaqo abuurto? Ma dareensantahay hadii aad doonayso oo ay kaa go’antahay in aad shaqo abuuri karto? Madoonaysaa inaad noqoto qof dalkiisa wax u qabta? Keed jeceshay in laguu shaqeeyo inaad shaqaale noqoto?


GUN IYO GABAGABO

 Xukuumadu iyada ah indhihii shacabka ee waa inay qaadato door hogaamineed oo hor leh si yareeyo shaqo la’aanta baahsan ee kajirta Somaliland.

Ganacsatadu waa cida marka ay xaaladahan oo kale ka dhacaan dunida sida wayn uga hawlgala sidi shaqo abuur loo samayn lahaa, Ha maalgashadeen dalka inta ay soo dhoofin lahaayeen badeecado mararka qaar ay tayadodu hoosayso.


Ururada bulshada iyo haayadaha caalamiga ahi haka qayb qaateen sidii dhalinyarada jamacadaha kasoo baxaysa shaqo abuur loogu samayn lahaa.


Somaliland way soo dhaaftay heerkii gargaarka bani aadanimo, maaha in lagu mashquulo oo waqti iyo maalba ay ku lumiyaan mashaariic aan wax sidaa usii buuran kusoo kordhinayn dalka sida faraxalka aduunka, la dagaalanka FGM, kala korinta ubadka iwm, Ee waxaynu maraynaa heerkii horumarka, waayo waynu haysanaa nabad, dal xasiloon iyo walibana dowladnimo dhamaystiran ee waxaynu ubaahanahy horumar xag dhaqaale, xag waxbarasho iyo xag caafimaadba marka iyaguna haka qayb qaateen sidi wax looga qaban lahaa shaqo la,aanta dhalinyarada Somaliland

 

 

 Qoraaga

Mubarik Muse Waa aasaasayaasha Xarunta "This Is Our Somalia”. Waa Sakhsi ka Faalooda Aarrimaha Dhaqaalaha, Beeraha, Bulshada , Siyaasadda iyo Isbedalada Manadaqadda.Waxa  uu Culuumit dhaqaalaha shahaadada  kowada ka diyaaariyay  Jamaacda ADMAS . Waa xeeldheere ku  xarago faalooda qoraalka , in ka badan 35 maqaal oo kala mawduucyo aha ayuu ku qoraya Afka English ka ,Turkig  iyo Somaaliga .Imkani Waa Arday diyaariyay Heerka labaad Ee shahaada, waxaan ku diyaarayay Culuumita Beeraha iyo Dhaqaalah, Jaamacada Kahramanmaraş Sütçüimam University, Turkey.

Alle mahda iska leh

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...