Wafti Uu Hogaaninayo Wasiirka Arimaha Gudahu Oo Galabta U Dhoofaya Jabuuti
Masuuliyiinta Dawlada Jabuuti Soo Casuuntay ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Ay Wehelinayaa Masuuliyiin xisbiga kulmiye ka tirsan,waxaana ay wararku sheegayaa in ay kulamo la yeelan doonaan madaxwaynaha dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Waftigan uu wasiirku hogaaminaya ayaa galabta ka dhoofi doona Madaarka Cigaalka Ee Magaaladda hargaysa,waxaana ay tagi doonaan Magaaladda jabuuti oo ay kulamo kula yeelan doonaan madaxda ugu saraysa dalka jabuuti.
Saddexda xubnood ee ka tirsan xisbiga kulmiye ee safarka ku wehelinaya wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa iyagana magacyadooda la sheegin balse waxa la tilmaamay sida ay wararka hadhwanaagnews helayso sheegayaan in ay yihiin masuuliyiin sarsare oo xisbiga ka tirsan.
Safaaradda somaliland ku leedahay waddanka jabuuti ayaa iyadu ah safaaraddaha ugu horeeya ee inta badan shaqadii loo igmadday uga soo baxday sidii loogu tallo galay,waxaana Safaaradda Hogaamiya Amb Cabdi Fataax Siciid Axmed oo isagu aqoon durugsan u leh arimaha dubla-maasiyadda.
Warkan Oo Faah-faahsan kala Soco HadhwanaagNews