'' Kaftanka Caawa , Ismu Abuuk Yak Fiik, Yaa Ibnu Riyo Raac ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

Wednesday August 28, 2019 - 08:18:38
Hadhwanaagtv
Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waaggii ay dagaalamayeen Waddanka Masar iyo xulifaddii Israel , Engiriis iyo Faransiis ee laggu dagaalamayay Kiinaal suways 1956 , ayaa waxa la yidhi idaacad ku taala Djabouti ayaa sheegtay in Masar dagaalkii laggu jabiyey dabeeto warkii ayaa aduunka ku faafay .

 

Nin Masri ah oo ka warami jirey Idaacaddii la odhan jirey Sawtul Carab minal Qaahira oo warkaa aad uga xumaday ayaa waraystay meesha warkaasi ka yimi , markaasaa laggu yidhi waxaa sheegtay idaacadda Djabouti , oo nin la yidhaahdo ina Waaberi ka daab ayaa ka sheegay , dabeeto Masrigii wuxuu yidhi , Ismu abuuk yakfiik , ayaa ibnu waaberi ka daab .

 

Imika waa halkaase , ina Riyo raac oo caadaystay in marna uu yidhaahdo Waddani waa Xisbi Soomaali wayn taageersan marna hadalo raqiisa Tv lasoo fadhiisanaya , isagoo ilawsan in uu noqday Wasiir ku xigeenkii wasaaradda hawlaha guud ee xukuumadii sheekh shariif ee Dawladda Soomaaliya waxaanu leenay , Ismu Abuuk yakfiik yaa ibnu riyo raac

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...