Raysalwasaaraha Etoobiya oo Hanjabay

Thursday November 26, 2026 - 13:48:17
Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in sannadkan la filayo in qaybta beeruhu kobocdo 7.7.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Wakiillada ku sheegay in wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) uu gaaray $210 billion oo dolar. Taasina ay dhaqaalaha Itoobiya ka dhigtay kan saddexaad ee ugu weyn dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in markii ugu horreysay taariikhda Itoobiya, qaybta warshaduhu ay dhaqaalaha dalka kaga miisaan bateen beeraha.

Wuxuu sheegay in warshaduhu ay hadda ka yihiin 31.8 boqolkiiba dhaqaalaha dalka, halka beeruhu ay ka yihiin 31.4 boqolkiiba.

Qaybta adeegyada ayaa leh saamiga ugu badan ee dhaqaalaha, taasoo ah 33.8 boqolkiiba.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in sannadkan la filayo in qaybta beeruhu kobocdo 7.7 boqolkiiba, warshaduhuna 12.3 boqolkiiba, halka adeegyada la filayo inay kobocaan 9.9 boqolkiiba.

Kulanka caadiga ah ee Golaha Wakiillada ayaa socda, waxaana xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha amni ee gobollada Oromia, Amxaarada iyo Tigray.

Waxa kale oo laga hadlay arrimaha Masar iyo Eritrea, diblomaasiyadda, musuqmaasuqa iyo dhibaatooyin kale oo dhaqaale iyo bulsho.


BBCSomali

     
Loading...