hadhwanaagnews

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay sharaf iyo farxad u tahay in Xisbiga WADDANI oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa iyo xukuumadda uu hoggaamiyo ay hormuud u noqdaan adkaynta qarannimada, midnimada iyo dedaallada lagu xaqiijinayo ictiraafka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay ilaalinta qaranimada, xoojinta midnimada shacabka iyo dardargelinta himilada aqoonsi raadinta Somaliland.
Bog Cusub oo Ku Wajahan Aqoonsiga
Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay gashay marxalad cusub oo lagu xoojinayo dedaallada diblomaasiyadeed iyo xaqiijinta himilada muddada dheer ay shacabka Somaliland lahaayeen ee aqoonsiga caalamiga ah.
Waxa uu tilmaamay in wadajirka shacabka iyo hay’adaha qaranku uu laf-dhabar u yahay guusha qaran.
Hadalka Madaxweynaha
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa yidhi:
"Waxa farxad iyo sharaf ii ah in Xisbigii aan ahaa aasaasihiisa, iyo xukuumadda aan odayga u ahay, ay maanta hormuud u noqdaan adkaynta qarannimada iyo midnimada Somaliland, isla markaana ay furaan bog cusub oo ku wajahan xaqiijinta ictiraafka oo ah himilada muddada dheer ay dadkeennu lahaayeen.”
Adkaynta Qarannimada
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in xukuumaddiisu sii wadi doonto dadaallada lagu ilaalinayo jiritaanka Somaliland, xoojinta wadajirka bulshada iyo horumarinta danaha qaranka.