hadhwanaagnews

Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Horumarinta Caafimaadka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shir heer sare ah ku kala saxeexday heshiis muhiim ah oo lagu xoojinayo hirgelinta Nidaamka Caafimaadka Midaysan (One Health Approach).
Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa afarta wasaaradood si si wadajir ah looga hortago loona maareeyo caqabadaha la xidhiidha caafimaadka dadka, xoolaha iyo deegaanka.
Masuuliyiinta hoggaaminaysa afarta wasaaradood ayaa si rasmi ah u saxeexay heshiiska, iyaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta wada-shaqaynta hay’adaha dawladda iyo hirgelinta hannaan isku xidhan oo wax looga qabanayo arrimaha caafimaadka.
Heshiiska ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa awoodda dalka ee ka hortagga iyo maaraynta khataraha caafimaad ee saamaynta ku leh bulshada, xoolaha iyo deegaanka, iyadoo la adeegsanayo hab casri ah oo isku xidha dhammaan dhinacyada ay khusayso.
Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in Nidaamka Caafimaadka Midaysan (One Health) uu door muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta caafimaadka bulshada, sugidda caafimaadka xoolaha iyo dhowrista deegaanka, kuwaas oo si dhow isugu xidhan.
Heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo xoojinta dedaallada lagu ilaalinayo caafimaadka guud ee dalka.