hadhwanaagnews
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Doorasho Loo Gudbonyo,
Gelayaan Haweenkeenu,
Golayaasha Qarankena,
Guul Bay Ahaan Lahayd.
2-Godobaa Ku Maashaanood,
Gabdhahaad Garbinaysane,
Guulaheen Maadka Yaatan,
Xaqan Dumarka Garataan.
3-Guurtidu U Gaar Yahayon,
Gabaygan Aan U Dirayaayo,
Gaadhsii Baan Isleeyahaye,
Nuun Inay Garaabaan Bal.
4-Gartu Allay Taqaanaaye,
Godobta Ma Iska Reebtan,
Geeyana Geedka Beelaha,
Golayaasha Soo Xulayah.
5-Gabdhahii Geesna Geliwaye,
Gacaliye Walaliyo Geyanki,
Ma Ogol Garabkay Ku Rixan,
Waxuun Gooya Gudoonkow.
6-Guud Dhigoo Asxaabteena,
Midba Gaar Ahaantiisa (4),
Afar Gabdhood Ha Keenan,
Xeerna Lagu Gudoonsado.
7-Goloyaasha Gelistooduhu,
Guul Bay Tahay Qarankan,
Hawweenkaynu Gaasirayno,
Citiraafna Goobayno.
8-Goldaloolo Dimuqraadinimo,
Aduunku Way Garan Karaan,
Gufeeyaya Goobaha Banaano,
Gabdhaha Waajibkooda Guda.
9-Wufuud Gabdho Aho Yimaada,
Imisa Golayaasha Galayoon,
Ganboolay Salaanta Aragoo,
Guntaday Geyigoodii La Tegey.
10-Bal Garo Warkay Geynayaan,
Geyigani Ma Wada Raguunba,
Gabdhahoodii Xaggay Galeen,
Garwaqsade Inaad Gaasirten.
Ismail Abdulla Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!