Rhoda Ibrahim Oo Ku Guulaysatay Doorashada Degmada Brent Ee London

Saturday May 09, 2026 - 15:26:03
hadhwanaagnews
Waxay ku dhalatay magaalada Burao, waxaana guusheeda



Rhoda Ibrahim (Rooda Maxamuud Karaani) ayaa ku guulaysatay doorashada Golaha Deegaanka ee degmada Brent kadib markii ay heshay codadkii ugu badnaa.


 

Rooda oo asal ahaan kasoo jeeda Somaliland ayaa muddo dheer ka shaqaynaysay ururrada bulshada iyo adeegyada bulshada ee magaalada London.


 

Waxay ku dhalatay magaalada Burao, waxaana guusheeda si weyn u soo dhaweeyay bulshada Somaliland ee ku nool UK iyo taageerayaasheeda.


 

Guushan ayaa loo arkaa mid muujinaysa kororka doorka iyo saamaynta bulshada Soomaalida, gaar ahaan reer Somaliland, ku leeyihiin siyaasadda iyo maamulka gudaha Britain.

     
Loading...