hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa maanta si rasmi ah isaga casilay xilkii xildhibaanimo iyo xubinnimadii Golaha Wakiillada, kadib markii dhawaan loo magacaabay xilka wasiirnimo.
Fadhigii saaka ee Golaha Wakiillada, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Siciid Faarax Mire (Giire), ayaa lagu shaaciyay warqadda iscasilaadda, iyadoo Xoghayaha Guud Cabdirisaaq Siciid Ayaanle uu akhriyey.
Is-casilaadda Barkhad Batuun ayaa cod loo qaaday, waxaana oggolaaday 40 mudane, halka 3 mudane ay diideen, guddoomiyuhuna aanu codeyn, iyadoo guud ahaan 43 xildhibaan ay fadhiga joogeen, sidaas ayaanay ku ansaxday.
Warqaddiisa iscasilaadda, Batuun wuxuu ku sheegay inuu go’aankan qaatay isagoo si buuxda uga fiirsaday, isla markaana uu u arkay mid waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka golaha, si uu xilka ugu baneeyo si sharci ah.
Waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey shacabka Somaliland, gaar ahaan gobolka Maroodijeex ee soo doortay, isaga oo xusay kaalintii uu ka qaatay hawlaha sharci-dejinta iyo ansixinta xeerarka muddadii uu xilka hayay.
Sidoo kale, waxa uu u mahadceliyey xildhibaanada iyo shaqaalaha golaha wada shaqayntii ay muujiyeen, isaga oo codsaday in si rasmi ah looga aqbalo iscasilaaddiisa.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay magacaabistii uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasiirka Warfaafinta, taas oo keentay in uu baneeyo kursigii uu ku lahaa Golaha Wakiillada.