Warbixin: Somaliland oo Israel ku Casuuntay Doorka Sugidda Amniga Marin-biyoodka Bab el-Mandeb

Friday March 13, 2026 - 00:13:26
hadhwanaagnews
Marin-biyoodkan istaraatiijiga ah ayaa isku xidha Badda Cas...


Fagaareyaasha barkulannada ee taageera siyaasadda madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku casuuntay dowladda Israel inay door ka qaadato sugidda amniga marin-biyoodka Badda Cas.


 

Warbixintan oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si rasmi ah ugu baaqday Israel inay joogitaan istaraatiiji ah ku yeelato magaalada Berbera, oo leh deked iyo garoon diyaaradeed kuna taalla meel aad ugu dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb.


 

Marin-biyoodkan istaraatiijiga ah ayaa isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waxaana mara qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah. Sida warbixintu tilmaamayso, qiyaastii 15% ganacsiga adduunka, 30% gaadiidka konteenarrada, iyo ku dhawaad 10% shidaalka badda ayaa ka gudba marinkan.


 

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sidoo kale tilmaantay in Berbera ay leedahay kaabayaal muhiim ah oo u sahlaya inay noqoto xarun istaraatiiji ah. Magaalada waxaa ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Berbera, oo leh mid ka mid ah gegooyinka ugu dhaadheer Afrika, iyo deked casri ah oo lagu horumariyey maalgashi ka yimid Imaaraadka Carabta.


 

Warbixintu waxay sheegtay in casuumaadda Somaliland ee ku wajahan Israel ay timid kadib markii Israel dabayaaqadii sannadkii tegay si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo albaabka u furtay iskaashi amni iyo mid istaraatiiji ah oo dhexmara labada dhinac.


 

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa la sheegay inay aaminsan yihiin in wadashaqeyn lala yeesho Israel iyo dalalka reer Galbeedka ay gacan ka geysan karto ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb, si looga hortago khataraha argagixisada iyo kooxaha hubeysan ee gobolka.


 

Warbixintu waxay intaas ku dartay in taageerayaasha caalamiga ah ee hindisahan ay rumaysan yihiin in kaabayaasha Berbera iyo xasilloonida Somaliland ay ka dhigi karaan goob muhiim u ah ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah.


 

Gabagabadii, warbixintu waxay xustay in haddii iskaashigan la hirgeliyo, Berbera ay noqon karto xarun muhiim u ah hawlaha amniga badda iyo ilaalinta ganacsiga caalamiga ah ee mara Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab el-Mandeb.

     
Loading...