HADHWANAAGNEWS
Hargeysa – Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Mudane Cabdillaahi Beershiya, ayaa shaaciyay inuu xilka kala wareegay wakaaladda iyadoo lagu leeyahay dayn dhan 3 milyan iyo 900 kun oo dollar, taas oo ka hartay maalgelin guud oo gaadhaysay 13 milyan oo dollar oo hore loo sameeyay.
Maareeye Beershiya, oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, ayaa sheegay in dayntaasi ay tahay arrin u baahan qorshe maamul iyo xal waara si wakaaladdu dib ugu soo noqoto xaalad dhaqaale oo deggan.
"Fadhi inooma yaalo maadaama 85% dadka Hargeysa aanay biyaha helin. Aniguna waxaan ballanqaadayaa inaan xilka daacad u wadi doono,” ayuu yidhi maareeyuhu.
85% Dadka oo Aan Weli Helin Biyo Ku Filan
Maareeyaha cusub ayaa carabka ku dhuftay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan sidii loo gaadhsiin lahaa adeegga biyaha boqolkiiba 85 dadka caasimadda ee aan weli helin biyo ku filan.
Waxa uu sheegay in maalgashigii $13-ka milyan ahaa uu ka tagay dayn ku dhow $3.9 milyan, taas oo u baahan in si xeel dheer loo maareeyo si aanay u curyaamin qorshayaasha horumarineed ee wakaaladda.
Ballanqaad Hufnaan iyo Daacadnimo
Maareeye Beershiya ayaa bulshada u ballanqaaday inuu ku shaqayn doono hufnaan iyo daacadnimo, isla markaana uu mudnaanta siin doono ballaadhinta shabakadda biyaha, hagaajinta dakhliga wakaaladda, iyo xalinta daymaha jira.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli baahida biyaha ee magaalada Hargeysa ay sii kordhayso, iyadoo magaalada ay si xawli ah u fidayso isla markaana ay jirto cadaadis ku imanaya kaabeyaasha adeegyada aasaasiga ah.