Madaxweyne Cirro oo Shacabka Ugu Baaqay Ilaalinta Nabadda, Xoojiyay Dadaallada Aqoonsiga Caalamiga ah

Tuesday February 17, 2026 - 11:18:31
HADHWANAAGNEWS
"Reer Somaliland waxaan hore ugu idhi nabadda ka shaqeeya,


Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka, isaga oo caddeeyay in xukuumaddiisu si joogto ah uga shaqaynayso helitaanka aqoonsi caalami ah.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in nabaddu ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu gaadhi karo horumar siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed, isaga oo shacabka ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada noolaanshaha iyo midnimada.

 

"Reer Somaliland waxaan hore ugu idhi nabadda ka shaqeeya, anigana ictiraafka igu haleeya. Markaa ictiraafkii waan soo helaye, idinkuna nabadda ka shaqeeya,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

 

Isku Xidhka Nabadda iyo Aqoonsiga

 

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dadaallada lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland ay u baahan yihiin jawi nabdoon oo xasilloon, maadaama beesha caalamku si dhow ula socoto xaaladda amniga iyo midnimada gudaha.

 

Waxa uu xusay in xukuumaddu ku hawlan tahay wadahadallo iyo xiriir diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo mowqifka Somaliland ee ku aaddan aqoonsi rasmi ah, isaga oo ku adkeeyay in guusha arrintaasi ay ku xidhan tahay wadajir iyo deggenaansho gudaha ah.

 

Baaq ku Socda Shacabka

 

Madaxweyne Cirro ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan qaybaha bulshada – odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta – inay ilaaliyaan nabadda, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara midnimada iyo xasilloonida dalka.

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay Somaliland sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee ku aaddan aqoonsi caalami ah, iyadoo xukuumaddu ku celcelinayso in nabaddu tahay furaha horumarka iyo ictiraafka.

     
Loading...