MD'Cirro ayaa maqaal ku daabacay Wargeyska caanka ah ee The Wall Street Journal

Thursday January 15, 2026 - 12:50:27
HADHWANAAGNEWS
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu warkiiisa



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maqaal ku daabacay Wargeyska caanka ah ee The Wall Street Journal oo ka mid ah Wargeysada ugu saamaynta badan ee ka soo baxa dalalka reer Galbeedka. Maqaalka ayuu madaxweynuhu kaga hadlay aqoonsigii ay Somaliland ka heshay dalka Israel.

Waxa uu ugu horrayn ka sheekeeyey taariikhda Somaliland soo martay iyo in Israel ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee lixdankii aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland ka hor intii aan lala midoobin dhinaca Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Israel qayb ka ahayd dadkii ka soo hor jeestay xasuuqii bulshada Somaliland lagula kacay sannadihii 1988 ilaa 1990.

Madaxweyne Cirro waxa kale oo maqaalkiisa uu ku sheegay in gobolka Geeska Afrika uu ka jiro loollan weyn oo u dhexeeya quwadaha Caalamka iyada oo Turkiga iyo Shiinuhu ay danaynayaan in ay xoojiyaan dhinaca Soomaaliya. Waxa uu xusay in Somaliland tahay dal nabad ah oo ka xor ah argagaxisada iyo kooxaha ragaadiyey dhinaca Soomaaliya.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu warkiiisa ku soo gunaanaday in uu sugayo dharaarta heesta calanka Somaliland lagaga luuqayn doono safaaradda Somaliland ka furan doonto Israel taas oo ah taariikh in badan la dhawrayey, isaga oo sheegay in ay jidka ku soo jiraan dalal Afrika ku yaalla oo in badan sugayey in ay noqdaan dalalka labaad ama saddexaad ee aqoonsada Somaliland.

Maqaalkan ayaa noqonaya kii labaad ee madaxweyne Cirro qoro tan iyo markii loo cimaamaday talada u sarraysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Gallaydh TV

     
Loading...