Cilmu Nafsiga iyo ducada

Wednesday January 14, 2026 - 10:26:57
HADHWANAAGNEWS
Mas'uuliyad qaadasho (accountability)...


DUCADA iyo Cilmu Nafsiga isma diidano bal IL fiiri Ducadan waa mid aad u qoto dheer oo xambaarsanna tawbad iyo is hoosaysiin iyo aqoonsi nafsaani ah. Aynu u eegno sida cilmu nafsiga iyo ruuxi labadaba usharxaan by. Dr Hussein Ahmed Mohamed psychologist and Psychotherapist.

اللهم إني ظلمت نفسي ظلماً كثيراً فاغفر لي، فإنه لا يغفر الذنوب إلا أنت
Ilaahayow, anigu naftayda ayaan dulmiyay dulmi badan, ee ii dambi-dhaaf, maxaa yeelay dambiyada cid kale ma dhaafi karto adiga mooyaane.

Cilmu Nafsiga iyo ducada
Aqoonsi naf bararug ah (Self-awareness)
Qofku marka uu yiraahdo anigu naftayda ayaan dulmiyay.
wuxuu muujinayaa?

Mas’uuliyad qaadasho (accountability)
Ka bixid difaac (defensiveness)
Qirasho qalbi furan ah.

Tani cilmu nafsi ahaan waa tallaabada koowaad ee bogsashada.
qirashada dhaawaca iyo khaladka.
Is hoosaysiin iyo jebinta kibirka (Ego softening)
Ducadu waxay jebisaa?
kibirka (arrogance)
Is qaadashada xad dhaafka ah.
difaacyada nafsiga (defense mechanisms)
Ducadani waa daaweyn qalbi.

Waxay nadiifisaa culayska nafsiga.
Waxay dejisaa walbahaarka.

Waxay soo celineysaa dheelitirka nafta.

Wax walbo waxaa looga baxaa kuxirnaata ilaahay iyo Qirashada wax walbo oo Kaa khaldoomay.
Suugal ma ahan kibir iyo yasid iyo kafaanida umadaada iyo iscajabin inaa meel Ku gaarta ilaahay wuu fashilinaa umaddane way kunidhici doontaa.

Xalka Ugu fudud Waa inaa kaliya ilaahay raali galisaa wax walbane Karun sheegtaa.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...