Dabinnada qarsoon ee shaydaanka

Friday January 02, 2026 - 18:39:55
hadhwaangnews
Dhanka dhegaha aynu nimaadno. Shaydaanku wuu ...


Shaydaanku waxaa uu leeyahay xeellado qaabaysan, dhabtiina badi wuu ku guuleystaa qorshihiisa ujeeddada leh. Waxa uu jahawareeriyaa darreennadeenna. Bal aad uga fikir arrintaa?
Indhuhu waxay ku xidhan yihiin qalbiga, Dheguhu waxay ku xidhan yihiin qalbiga. Muxuu shaydaanku ku sameeyaa? Wuu mashquuliyaa!

Indhaha waxaa uu ku mashquuliyaa wax kasta oo muraayad ama shaashad ah(screen) sida moobaylkaaga, Ipad-kaaga, muuqbaahiyahaaga ( TV), xitaa ku dar baabuurkaaga; maanta waxa ay leeyihiin shaashado la daawado!
Shaashaduhu waa halka ugu badan ee uu qofku danbiga ku galo maanta. Waa halka uu ku dhaawacmo iimaankeennu. Waa halka uu shaydaanku ku fidneeyo Diinteenna Suubban.

Dhanka dhegaha aynu nimaadno. Shaydaanku wuu mashquuliyaa dhegaha . Sidee? Dhanka muusiga ayaa uu ka soo galaa. Maxaa dhacaya marka muusig badan dhegaysato? Waxaad arkeysaa adiga oo meel iska fadhiya, waxaad maqlaysaa hees maskaxdaada ka baxaysa.

Adiga maydhanaya waxaad maqleysaa heestii oo maskaxdaada ku wareegaysa. Hadda waxaad moodaysaa in hadda la daaray. Sababtu waa qalbigii oo lagu mashquuliyay heeso iyo muusik

Muusigu waxaa uu qalbiga kaga tagaa hummaagyo; wixii uu kaga tagay ayaa uu soo celinayaa. Maxaa yeelay, maskaxdu waa awoodda isku dabaridda dareennada , waana dariiqa loo maro qalbiga. Sidaa awgeed, haddii aad xakamayso waxaad arkeyso, maqlayso iyo waxaad ku fikireyso; qalbigu waa sida muraayadda , wuxuuna noqdaa mid cad oo nadiif ah.

W/T: Maxamed Haybe
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...