Mafhuumka Islaamiga Ah ee Arsaaqda

Thursday January 01, 2026 - 10:11:55
HADHWANAAGNEWS
Islaamku wuxuu inoo muujinayaa in arsaaqda ugu waaweyn ...



Rizqiga marka loo eego aragtida Islaamka ma aha wax ku kooban lacag, dakhli ama shaqo oo keliya, balse waa nicmo uu Eebbe u siiyo addoomihiisa si xikmad leh. Islaamku wuxuu ka xoreeyaa maskaxda qofka mu’minka ah xayndaabka maadiga, wuxuuna barayaa in qiimaha qofka lagu cabbiro iimaankiisa, akhlaaqdiisa iyo xiriirkiisa Eebbe, ee aan lagu cabbirin inta uu haysto. Lacagtu waxay ka mid tahay arsaaqda uu Eebbe bixiyo, balse ma aha midda ugu sarraysa, mana aha mid waarta inta badan.

Qur’aanku arsaaqda wuxuu ku soo bandhigayaa fikrad dhammaystiran oo taabanaysa dhinacyada nolosha oo dhan: quud, caafimaad, hanuun, deganaansho qalbi, caqli iyo badbaadada ruuxeed. Allah (SW) wuxuu dhawr aayadood ku sheegay in rizqiga Makhluuqaaka uu isaga hayo, halkaasina waxaa ku jira farriin iimaani ah oo ah in aadanuhu ku tiirsanaado kalsooni buuxdana ku qabo Alle, kana xoroobo cabsida mustaqbalka iyo welwelka xad-dhaafka ah, sababtoo ah arsaaqda waxaa lagu maamulaa xikmad iyo caddaalad Rabbaani ah.

Islaamku wuxuu inoo muujinayaa in arsaaqda ugu waaweyn ay yihiin kuwa aan indhuhu arkin: caqliga fayow, xikmadda, damiirka nool, samir iyo qalbi ku xiran Alle. Kuwaas waa nicmooyin Qur’aanka iyo Sunnadu si gaar ah u xuseen una sharfaan. Qofka Mu’minka ah ee lagu mannaysto arsaaqdan wuxuu helaa iftiin uu ku kala garto xaqa iyo baadilka, iyo deganaansho uu kaga adkaado imtixaannada nolosha, xitaa haddii ay arsaaqdiisa maadiga ah yaraato.

Hodantinimada dhabta ah ee Islaamka waa hodantinimada nafta: qalbi ku qanacsan qaddarka Alle, naf ku tiirsan Rabbigeed, kana madax bannaan addoomada. Lacagtu way dhammaan kartaa, adduunkuna wuu is beddeli karaa, balse iimaanka, akhlaaqda, sharafta, caafimaadka, xikmadda iyo raaxada qalbigu waa rizqiyo waara.

Qofkii u fahma arsaaqda sida uu Islaamku u arko, noloshu way u fududaataa; kii ku koobana maadiga, qalbigiisuna wuxuu galayaa cidhiidhi xitaa haddii uu adduunka oo dhan helo.

Ku soo biir oo Igala soco Boggan

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...