Marxaladaha Dawladnimo ay soo maraan . Qalinkii: Cali Biixi

Monday December 29, 2025 - 08:57:07
hadhwanaagnews
Dawladnimadu ma aha hal dhacdo oo mar qura dhalata,






balse waa geeddi-socod dheer oo soo mara marxalado kala duwan,
kuwaas oo ay qaarkood ka horreeyaan aqoonsiga buuxa ee caalamka.

Marka si cilmi iyo siyaasadba loo eego,
dawlad kastaa waxay martaa saddex marxaladood oo waaweyn.

Marxaladda Koowaad:
De Facto State
Tani waa marxaladda jiritaanka dhabta ah.
Waa marka dal uu leeyahay dhul la maamulo,
dad mideysan,
iyo hay’ado u shaqeeya si madax-bannaan, balse uusan weli helin aqoonsi diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

Marxaladdan, dawladdu way jirtaa,
way shaqaysaa, hase yeeshee caalamku si buuxda uguma ogola inay ka mid noqoto nidaamka diblomaasiyadeed ee dunida.

Somaliland muddo dheer waxay ku jirtay heerkan: nabad, nidaam iyo maamul u gaar ah leh,
balse ka maqan aqoonsi caalami ah.
Tani ma ahayn fashil, balse waxay ahayd marxalad taariikhi ah oo dawladnimo loogu bislaado oo la soo maro.


Marxaladda Labaad: Semi-Sovereign State ,
Tani waa heerka kala-guurka ah.
Waa marka dawlad ay bilowdo inay hesho aqoonsi dal ama dalal gaar ah,
isla markaana ay hesho xidhiidho diblomaasiyadeed oo toos ah, inkastoo aysan weli xubin ka ahayn hay’adaha waaweyn ee caalamiga ah sida Qaramada Midoobay ama Midowga Afrika.

Marxaladdan waxaa tusaale u ah nidaamka ay ku shaqeyso Taiwan: dal leh dawladnimo dhammaystiran, xidhiidho caalami ah, iyo aqoonsi xaddidan.

Dawladdu waxay gashaa heshiisyo, waxay is-dhaafsadaan wakiillo diblomaasiyadeed, waxaana si dhab ah ula macaamisha dawladaha aqoonsan.

Waxa keliya ee ka maqan waa kursiga hay’adaha caalamiga ah.
Sida Somaliland noqotay iminka wixii ka danbeeyay 26/12/2025- kii markii Israel aqoonsatay Somaliland.

Marxaladda Saddexaad:
Full Sovereign State
Tani waa heerka ugu sareeya ee dawladnimo.
Waa marka dawlad ay hesho aqoonsi caalami ah oo buuxa,
kana mid noqoto Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo ururrada kale ee caalamiga ah.

Halkaana, dawladdu ma aha oo keliya mid jirta, balse waa mid sharci ahaan, siyaasiyan, iyo diblomaasiyad ahaanba caalamku wada aqoonsan yahay.
Codkeedu wuu ka dhex muuqdaa golayaasha dunida,
danaha dadkeedana si buuxda ayay u difaacdaa.


Gunaanad
Dawladnimadu waa safar, ee ma aha meel hal mar la gaaro.
Qaran kastaa wuxuu maraa heerar tijaabo, adkaysi, iyo bislaansho u baahan.
Fahamka marxaladahani wuxuu ina barayaa in guusha dhabta ahi aysan ku imaan degdeg, balse ay ku timaaddo aragti dheer, istaraatijiyad, iyo samir qaran. Qofka fahma geeddi-socodka dawladnimo, wuxuu fahmayaa in taariikhdu aysan istaagin, balse ay mar walba socoto.

Somaliland waxay u gudubtay maanta marxaladdii labaad,
Waxaana u soo socota in ay u gudubto marxaladda saddexaad ,
Haddii ay la timaado siyaasad heer sare ah iyo dibloomaasiyad iyo xidhiidh wanaagsan .



Qalinkii:
Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...