Waxa dhacday in Jamhuuriyada barakaysani madaxbanaanideedii
Waxa ay ahayd 26kii Juun 1960kii markii Jamhuuriyada Somaliland ay Ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska, xiligaa oo ay Jamhuuriyada Barakaysani Kusoo biirtay wadamada aduunka Ka jira.
Waxa se Judhiiba ugu hor ictiraafay Dawlada Israa'iil oo noqotay 1960kii Dawladii ugu horaysay ee ictiraaftay aduunka.
Waxa dhacday in Jamhuuriyada barakaysani madaxbanaanideedii
Ku khamaartay markii ay yidhaahdeen, hal dawlad oo ay heysteen, aynu Shan dawladood Ku raadino, se ay haleeshay Wax badso wax beel ayey tartaa!, markii iyagii Dawladoodii ugu horeysay shanta ay Ku waayeen!.
Duurgal iyo Dirir dabadeed Alle wuxuu Ku guuleeyey inay dib u hantaan dalkoodii, iyaga oo mudo dhan Dhowr iyo sodon sanadood Mudo kor martay ay baadi goob u galeen sidii ay markale u heli lahaayeen, Dawladoodii Sibiqda kaga baxday ee ay sahalka Ku waayeen ama walaaladaa ardaa wada kulaala aafadu Ka gaadhay.
Hadana maanta oo Xiligaa hore ee aafadu kasoo gaadhay Walaalo-doonka ay kasoo wareegtey mudo 65 sanadood ah, se xiligii ay raacdada rogaal celiska ah ay u galeen dib u hanashada dalkii ay lumiyeen hada laga joogo 35 sanadood, ayaa markii aduunku Ka dhabar adaygey, waxa markale si-dhiiran ugu soo baxay oo u hor ictiraafay Dowlada Israa'iil, waana mid aanu ugu mahad naqayno sida hagar la'aanta ah ee markii hore iyo iminkaba noogu soo baxeen,
Waana mid aanu Abaal idiinku hayno dhamaan Dawlada iyo Shacabka reer Israa'iil, waxaana leeyahay Israa'iil mar labaad mahadsanid.
Mar wax kutare, laba goor wax kutaraa kasii mudan, taana waan idiin ognahay.
Qadar Hooyoley